|
Bosaasso,14ka November 2002
By Banadir.com
Ciidanka Boliiska ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay maanta lacag shillin soomali ah oo la soo been-abuuray oo lagu keenay laba dooni .
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso , lacagtan oo gaaraysa ilaa iyo afartan bilyan oo shillin ,waxaa soo daabacay rag ganacsata ah iyo dhawr nin oo ka mid maamulka Gobolka Punland . Waxayna ciidanka boliiska oo iminka gacanta ku haya raggaas bilaabeen hawlo kale oo ay ku baadigoobayaan jiritaanka lacag kale oo been-abuur ah oo la sheegay inay ka soo degtay xeebta Laasqoray .
Sida la ogsoon yahay , Madaxa Maamul goboleedka Puntland ee Col. Cabdullahi Yuusuf wuxuu dhawr jeer oo hore soo daabacay lacagta shillin Soomaaliga , laakiin sida iminka muuqata , raali kama ah lacagtan la soo daabacay .
|