|
Labadaan
shir waxaa lagu kala qabtay Mawlaca Sheekh Muxudin Celi ee magaaladda
Muqdishu iyo Balcad oo ka tirsan gobolka shabeela dhexe ee jowhar.
W.Q Mohamoud Ghedi Aw Hilowle.
Rochester, Minnesota.
Shirka
ka dhacay Mawlaca waxaa ka qeyb galay Siyaasiin caan ah oo uu ka mid yahay
Madaxweynihii hore ee Soomaliya H. E. Ali Mahdi Mohamed,culumaa'udiin
waaweyn oo laga qaderiyo Soomaliya oo dhan, Saraakiil, Aqoonyahano, odayaal
dhaqmeedyo iyo waxgarad miisaan culus ku leh beelweynta Mudulood. Waxayna
ka soo saareen kulankaas go'aan ah in ey tahay lagama maarmaan midnimada
Beesha Mudulood.
(Mudulood Unite is essentialed)
Shirka Balcad waxaa ka qeyb galay Dr. Maxamuud Xassan Ali Gabow oo ah
guddoomiyaha gobolka banadir ahna duqa magaalada Muqdishu, Sheekh Sharif
Sheekh Axmed guddoomiyaha midowga maxkamaha Islaamiga, Xaaji Maxamuud
X. Cumar Caddan oo ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee shirkada Banadir,
Macalin Xaashi Faarax guddoomiyaha xamar iyo xamar daye, Siyaasiga rug-caddeyga
ah Dr. Xussen Xaaji
Bood, taageerayaasha maxkamadaha iyo dadweyne aad u fara badan oo ku nool
dagmada Balcad iyo nawaaxigeeda.
Shirka Balcad waxaa lagu soo gebagebeeyay su'aal taagan oo ah" xagee-buu
jirey Mudulood markaan dhibanaha aheyn" ( where was Mudulood when
we were victimed?)
Dhibanayaashii hal- kaas ka hadlay waxaa ugu horreeyey Mudane ku hadlaayay
magaca beesha Moobleen Cismaan oo sheegey in beeshiisa lagu qadiyay 275
Xildhibaan ee Soomaliweyn ku qeyb-satey 4.5.
Dhibanihii labaad wuxuu ahey Mudana ku hadlaayey magaca jufada Cumar Galmax
oo sheegey in dhawr sano deegaanada Cumar Galmaax uu nin aan u dhalan
si xoog ah uga talihaayey haddase waa laga xoreeyey dhammaan deegaanada
Cumar Galmaax waa Alle mahaddiis.
Sidoo kale sargaal ku hadlaayey magaca Ciidamada Xaaji Abuker X. Cumar
Caddaan oo yiri"dagaalkii ka dhacay deegaanka Galgalato bishii Febaraayo
18, 2006 afar (4) gaadiidka dagaalka oo loo yaqaan Tikniko oo noogala
qabsatey ayaan ilaa sedex (3) bilood baryeyney in noola soo celsho ee
mudulood xagee-buu jirey?"
Siloo gaaro hadafka guud ee beesha waxaa loo baaha-nyahay farsamo ( Technicality)
lagu xaliyo qilaafka hadda ka dhex jira beelweynta Mudulood.
Markaas ka dib hala dhiso guddi lagu kalsoon yahay ee Mudulood ( Mudulood
Reliable Council)
Gudiguna wax ugu horreeya ee uu qabtaa waa in ey noqotaa sidii dhammaan
Ciidamada Mudulood loo mideyn lahay loogana saari lahay magaalada Muqdishu
oo noqotay baahala galeyn loona dejin lahay xerooyinka ku dhex yaal deegaanada
Mudulood oo aan weli soo gaarin dhul ballaarsiga ba'an sida: Deegaanley,
Hiilweyne, Qoralow iyo Warshada Risaasta ee Mahadey iwm. laguna biilaa
lacagtaan Muduloodku hadda isku dilaayo.
Dabadeedna Ciidankaan loo isticmaalaa haddii la soo weeraro midnimada
Mudulood, Diinta Alle iyo haddii la arko argagixiso run ah iyadoo lala
kaashanaayo Bulshada caalimka ( International Community)
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle.
Rochester, Minnesota.
|