|
banadir.com
Warar aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in saacado ka hor Prof. Cali M. Geedi Raiisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Somaliya uu ka soo degay Gegida Dayuuradaha ee Magaaladda Nairobi ka dib markuu booqasha dhowr cisho ah qaadatay ku soo kala bixiyay Wadamadda Jabuuti iyo Itoobiya.
Inkastoo Prof. Geedi uusan bixin warar tafaasil ah haddana waxay wararku nagu soo gaarayaan in ay booqashadiisu ku saabsan howl galka ciidamdada Afrikaanka ah ee ku wajahan wadanka Somaliya.
|