|
Sh.
Cusmaan Xiddig.
Sh. Cusmaan Xiddig waxaw ku dhashay gobolka Galguduud degmada Ceeldheer, meeshaas ayowna ku barbaaray kuna soo qaatay qaybihii hore ee waxbarashadiisa diinta islaamka, kadibna, waxaw u soo doontay cilmi dheeraad ah gobolka Banaadir halkaasoo uu kula kulmay culumo badan oo soomaaliyeed oo waaweyn. Sh. Cusmaan Xiddig cimri dheer iyo caafimaad Allaha siiyee yaraantisiiba waxaw noqday macallin cilmiga Soomaaliya oo dhan looga soo doonto, maantana waxaa dunida meel kastoo ay joogaan caalimiin iyo macallimiinba ka ah ardaydisii. Sh. Cusmaan xiddig oo maanta si wayn looga yaqaan soomaaliya oo dhan iyo qaar ka mid ah dunida muslinkaba waa Shiiq u go'doomay barashada iyo baridda diinta Islaamka, waxaana wali wax ka barata arday ama xer aad u badan, iyadoo waliba ay u dheertahay xal u raadinta arrimaha murugsan ee soomaaliya iyo nabaddoonimada bulshada uu ku dhex nool yahay. Isla mar'ahaantaasna waxaw kasoo qaybqaatay dood cilmiyeedyo badan oo wax ku ool noqday. Allaha dhowree Sh. Cusmaan Xiddig waa shiiq aad u firfircoon oo ka qaybqaata dhaqdhaqaaqyada kala duwan xag diineed iyo xag kaleba ee lagu horumarinaayo ama lagu wanaajinaayo bulshada soomaaliyeed. Taas ayaana sababtay in waayahaan danbe oo ay waddanka soomaaliya ka jiraan dhibaatooyin badan iyo colaado, uu xarun ka dhigto magaalada Muqdisho. Hase yeeshee, waxaa Shiiqa waayadaan danbe intaas u sii dheeraa, inuu wax ka qoro mowduucyada xasaasiga ah ama dadku aad ugu kala fog yahay ee ku saabsan diinteenna Islaamka SI LAYSUGU SOO DHOWAADO ama loo helo isfaham. Kutubkaan ayaana ka mid ah dhowrka kutub ee uu dhamaystiray shiiqu, waxaanna rajaynaynaa, haddii Allaha wayni ogolaado inay u fududaato dhamaystirka kuwa kale ee aan ka filayno. TUSMADA KUTUBKA OO KOOBAN. Kutubkaan aan magaciisa kor kusoo sheegnay waxaw ka hadlaayaa cutubyo badan oo ilaa boqol kor u dhaafaaya, kuwaasoo, ay ugu horrayntiinba kuwooda ugu waaweyni ka mid yihiin. 1. Jacaylka Nabigeenna suuban(nnkh). iyo arrimaha la xiriira oo dhan. 2. Barakaysiga dadka wanaagsan oo asu ugu horreeyo Nabigeenna (nnkh). Saxaabadi, Taabiciyiinti, Imaamyadi iyo Mu'miniinti ka danbaysay oo dhan kuwi hore iyo kuwi danbeba iyo waliba meelaha ama ashyaada la barakaysto, xurmaddooda, sababahooda iyo taariikhdoodaba. 3. Dhaqamaadka la xiriira qubuuraha islaamka oo dhan iyo kuwii anbiyadii iyo saalixiintii ummadihii hore, sida siyaarooyinka,nadarka iyo waxa la midka ah. 4.
Diinteennu waxa ay ka qabto tawasulka iyo istigaadaha. 5.
Taariiqda Ashaacirada oo kooban. 6. Qaybaha danbe ee Kutubka wuxuu shiiqu soo qaadanaayaa addoomo badan oo cibaadada Alle aad ugu dheeraaday iyo hannaanki ay u cibaadaysan jireen sida; salaadaha, soonka, aqrinta Qur'aanka, wardiga, dahaaarada, isdhowrka, aadaabta iyo u go'doonka diinta Alle iyo faa'iidada adduun iyo aaqiroba ay leedahay. 7. Iyo xikmado ama murtiyaalo kale oo islaami ah, oo ay nolosha qofka muslinka ah ka wax badan ka kororsanayso.
Kutubkaan
wuxuu ku qoran yahay afka carabiga , waana daabacaaddii 2aad. Markiisi koowaad waxaa lagu daabacay magaalada muqdisho, hase yeeshee baahiyo badan oo ka yimid waddanka dibaddiisa ayaa keentay in mar labaad la daaboco, loona daaboco si caalami ah, waana macquul in mar 3aad la daaboco saamaynta iyo codsiyada ka imaanaayo dunida oo soomaali iyo ajnabiba leh awgeed. FG. HELIDDIISA
KUTUBKAAN WAXAAD KALA SOO XIRIIRI KARTAA.
|