|
Nairobi, 22nd January 2002
By Banadir.com
Wareysi uu shalay galab siiyay idaacadda bbc-da, ayuu Xasan Abshir Faarax ku qirtay inuu ku khilaafay codsi uu madaxa Dawladda KMG ah Cabdiqassim Salaad Xasan u soo jeediyay , lana xiriiray inay si gaar ah isaga arkaan dhamaadkii bishii tagtay ee December 2002 arrimaha shirka nabadeynta Soomaalida ee ka socday magaalada Eldoret ee dalka Kenya .
Wareysigan oo ahaa mid uu Xasan Abshir kaga jawaabayay eedeyntii kululeyd ee S/Guuto Adan Cabdullahi Nuur (Gabyow)
u soo jeediyay dorraad galab, taas oo ahayd inuu Xasan Abshir ka weecday hawlihii nabadeynta soomaalida, una leexday goboleysi iyo hawlo aan laayiq ku ahayn mansabkiisa oo ah inuu la ganacsado qab-qablayaasha Dooxada Jubba , isagoo adeegsanaya magaca iyo sumcada uu wato ee ah Ra’iisul Wasaaraha Dawladda KMG ah ee Soomaaliyeed .
Waxaa kaloo xusid mudan inuu General Adan Gabyoow ku sheegay hadalkiisa inuu hayo magacyada ,cinwaanada iyo telefoonada shirkadaha kalluumeysiga iyo kuwa sunta ku shuba dhulka soomaalida ee uu heshiiska la galay Ra’iisul Wasaaraha Dawladda KMG ah , inkastuu isna Xasan Abshir wareysigiisii danbe ku beeniyay eedeyntaa .
Hadaba hadii aan u soo noqono khilaafkii Xasan Abshir iyo Cabdiqaasim u dhexeeyay , waxaa sida dhabtu tahay baahiyay wargeysyo badan oo ka soo baxa magaala madaxda Muqdisha, idaacado iyo waliba shabakado badan oo internetka ah . Marka laga reebo hadalka Mudane Xasan Abshir ee ah inuu ku qanciyay Cabdiqaasim iyo Golayaasha kale ee Dawladda kmg ah iyo Baarlamaankaba inay haboon tahay inay sii joogaan isaga iyo Cabdalla Deerow shirka Eldoret , wax warcelin ah oo rasmi ah lagama hayo ilaa iyo hadeer Cabdiqassim Salaad Xasan .
Sida la ogsoon yahayna, Wuxuu Cabdiqassim mar hore isticmaalay awoodda dastuuriga ah ee uu leeyahay , markii khilaaf u dhexeeyay isaga iyo Cali Khaliif Galaydh u soo baxay dibadda ( on the bbc ) oo uu isna shaqadii ka casilay .
Iyadoo ay kolleyba jirta warar badan oo ku saabsan arrintan iyada ah ee aanu soo xusnay , lana tixgeliyo mowqifka adag ee uu maanta ku sugan yahay Cabdiqaasim laftiisa marka laga eego meelo badan : waqtigii loo qabtay inuu hayo madaxtinimada oo soo dhow iyo dadaal badan uu ugu jiray inuu kula heshiiyo hogaamiyaasha Muqdisho oo aan u hirgalin siduu rabay , guula kale oo la taaban karana aanu ka soo hoyn saddexdii sano ee uu xilka soo hayay , burbur iyo amni la’aan ku soo kordha Muqdisho mooyee , ayaan sidaa looga filayn inuu ku dhaqaaqo tallaabo kale oo xil-ka-qaadis ah waqtigan la joogo .
|