|
Mogadishu,11th
October 2001
Report Prepared by Banadir.com
Kadib
markii uu shalay kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho Guddoomiye
Cabdalla Deeroow Isaaq in Dawladda KMG ah ee Soomaaliyeed
ee uu madaxda ka yahay Cali Khaliif Galaydh ay si buuxda ugu
fashilantay xilkeedii, ayaa kulan aan caadi ahayn isugu yimaadeen
maanta (11/10/2001) xubnaha Golaha Shacabka, si ay uga doodaan
bal inay kala noqdaan kalsoonidii Dawladda KMG ah , waxaana
shir Guddoomiy ka ahaa isla Cabdalla Deeroow .
Waxaana
looga hadlay dhibaatada dhaqaale ee ka jirta dalka , gaar
ahaanna mushkiladda ay keentay diidmada lacagta shanta boqol
ah iyo ta N-da ah , iyadoo si buuxda loogu dhaleeceey doodaas
Cali Khaliif Galaydh oo wax ka qaban waayay dhaqaalaha dalka
oo marba marka ka danbeyso ka sii darayo .
Waxaa
xusid mudan in Baarlamaanka Soomaaliyeed uu horey u diiday
lacagaha beenabuurka ah ee dalka soo galayay, isagoo in badan
ku booriyay inay Dawladdu wax ka qabato, laakiin nasiibdarro
taa ma dhicin , iminka waxaa shacabka guranayaa mirihii ka
dhashay khaladaadkaas baaxadda weyn leh.
Guddoomiye
Cabdalla Deerrow Isaaq ayaa ka sheegay shirkaa inuu furan
yahay wixii maanta ka danbeeya mooshin cod loogu qaadayo in
kalsoonida lagala noqdo Dawladda, waxaa mooshinkaas hore u
soo bandhigay qaar ka tirsan Golaha Shacabka KMG ah .
Sida laga
warqabo, waxaa beryahan Magalamadaxda Muqdisho ka jiray xiisaddo
iyo banaanbaxyo ka dhan ah Dawladda KMG ah oo keenay dhimasho
iyo dhaawacyaba , waxaana dalka ka maqan Ra'iisul Wasaare
Cali Khaliif iyo Wasiiro badan oo ay ka mid yihiin ka Arrimaha
Dibedda,Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Wasiirka
Cadaaladda,Wasiirka Ganacsiga, iyo qaar kale .
|