|
Hargeisa,4th
May 2002
Jamhuuriyadda
la magacbaxday Somaliland ayaa madaxweyne cusub loo dhaariyay
saacada ka dib marka uu ku geeriyooday madaxweyne Maxamed
Ibraahim Cigaal isbitaal ku yaala waddanka Koonfur Afrika.
|
Madaxweyne
Ku Xigeenka Dahir Riyale Kahin ayaa lagu caleema saaray
shir degdeg ah oo ay ka soo qayb galeen saraakiil sarsare
oo ka tirsan dowladda sida uu qiraya Dastuurka waddanka
sida ay sheegeen saraakiisha.
Mr
Kahin ayaa markii dambe sheegay in meydka Cigaal la
geynaya Hargeysa Sabtida ka hor inta aan lagu xabaalin
magaalada Berbera oo ah halka uu ku yaala qabriga aabihiis,
sida uu ahaa codsigiisa ka hor inta uusan geeriyoonin.
|
 |
Toddoba maalmood oo loo barooranaya Madaxweynaha ayaa lagaga
dhawaaqay waddanka waxaana Dahir Riyaale uu ugu baaqay dadweynaha
Somaaliland in ay eebe u baryaan madaxweynahooda geeriyooday.
Mr
Cigaal oo laga daaweynayay dhowr xanuun oo ay ka mid yihiin
Cancer, dhiig kar iyo kaadi macaan ayaa waxaa uu u dhintay
wax lagu tilmamay dhibaatooyin ka dhashay qaliin lagu sameeyay.
Waxaa
madaxweyne loo doortay sanadkii 1993-dii balse jagadiisa iyo
madax banaanida Somaliland ayaan labaduba laga aqoonsan caalamka.
|