|
Abu Dhabi,26th
April 2002
Wefdi
uu hogaaminayo Cabdiwaaxid Cilmi Cumar,Wasiirka Beeraha ee
Dawladda KMG ah ayaa shalay galab ka soo degay magaalada Dubai
ee dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qaybgalo kal-fadhiga
27aad ee Wasiirada dalalka ku jira Jaamacada Carabta ee Horumarinta
Beeraha oo lagu qaban doono Caasimadda Imaaraadka ee Abu Dhabi
inta u dhexeysa 28ka ilaa 30ka bisha April 2002 .
Kal-fadhigan
oo ah mid labadii sanaba mar la qabto,waxaa iska kaashanaya
qabashadiisa Wasaaradda Beeraha Imaaraadka iyo Hay'adda qaabilsan
Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta ,waxaana lagu wadaa
inuu ka soo qaybgalo furitaanka shirka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda
Carabta Camar Muusa iyo madax sare oo ka socota Laanta Cunada
iyo Beeraha Adduunka (FAO).
Wefdiga
Wasiirka Beeraha ee Dawladda KMG ah waxaa si diirran oo kal-gacal
leh ugu soo dhoweeyay garoonka Dayuuradaha ee magaalada Dubai
Wasiirka Beeraha Imaaraadka Carabta Mudane Saciid Bin Maxamed
Al-Raqabaani iyo waliba La-Taliyaha Safaaradda Soomaalida
ee Abu Dhabi Xuseen Maxamuud Maxamed iyo Qunsul-Xigeenka Qunsulliyadda
Soomaaliyeed ee Dubai Maxamed-Yarow Abukar .
|