|
Waxaa
caawa fiidkii hore ka dhoofay markii ay saacaddu ahayd 8:
45 magaalada Jeddah ee wadanka boqortooyada sacuudiga iyaga
oo ku sii jeeda Nairobi, wefdigii ballaarnaa ee u hoggaaminaayey
Duqa Magaalada isla markaasna ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
Mudane Maxamud Xasan Cali Gaabow (Cadde).
| Guddoomiyaha
iyo wefdigiisa inta ay dalka sacuudiga joogeen waxay la
kulmeen madax sar sare oo dowlada wadanka sacuudiga ka
tirsan, waxayna isla soo qaadeen oo ka wada hadleen sidii
loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal ka dhaxeeyo iyi sidii
ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta magaalooyinka ee
labada dal. |
|
Ka
hor inta aanu guddoomiyaha ka dhoofin waddanaka waxaa halkaas
erayo sagootin iyo guubaabo isgu jira ka jeediyey qunsulka
Soomaalida u fadhiya Wadanka sacuudiga mudane Maxamed Celmi
oo isagu ku soo booday Hotelka uu Duqa/guddoomiyaha degenaa.
Dowlada waxay ku jirtaa diyaar garowgii ugu dambeeyey ee dalka dib loogu noqonaayey waxaana ka qeyb galayaa xiritaanka 13 bishaan jun ka dhici doona wadanka Kenya magaalo madaxdiisa Nairobi sidaasna waxaa yiri Mudane Cadde oo ay markaasi wejigiisa ka muuqatay kalsoonida u u qabo dadkiisa iyo dalkiisa.
Waxaa wefdiha ku wehilyey Duqa/Guddoomiyaha Mudane Cabdi Jiinoow iyo Mudane Cadulqaadir Shiiqeey.
Dadka wefiga wax ka sagootaiyey waxaa ka mid ahaa mudane Maxamed Cali Gacal Darbane iyo mudane Cabdulqaadir Nur Cumar oo isagu qeyb libaax ka qaatay soo dhaweeyna wefdigaas
banadir.com
waxaa soo diyaariyey : Mr M. Ali Gaal
Magacyada
Guddiga Dib u heshiisinta ee Maanta Golaha Wasiirada ay ansaxiixeen
Fadhigii
Maanta ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu magacabay Guddi
dib u heshiisin oo ka kooban 27 xubnood kuwaasoo kala ah:
Beesha
hawiye:
1- Duuliye
sare Cabdi Cismaan Faarax,
2- Abuukar Socdaal Abtidoon,
3- C/laahi Cabdi Soomane
4- Cali Ugaas Cabdule,
5- C/kariin Cali Faarax,
6- C/qaadir Xaaji Maxamed (lugadheere).
Beesha
Daarood:
1- Maxamed
Maxamuud Xasan (weekiyo),
2- Maxamed Cali Cabdi,
3- C/qaadir Xuseen Nuur Dirir,
4- Axmed Sheekh Saalax,
5- Maxamed Faarax Canshuur,
6- Cismaan Cawad Cali
Beesha
Digil iyo Mirifle
1- Isaaq
Malaaq Ibraahim,
2- Ali Mohamed Aadan (Beer Beer),
3- Sheekh Xasan Gaab
4- Xaaji Siidow Maxamed Cumar,
5- Mukhtaar Abuukar,
6- Sayid Cali Cabdi Muxyadiin
Beesha
Shanaad:
1- C/casiis
Mukhtaar Qariidi,
2- Tahliil Cabdi Maxamed,
3- Abroone Xaaji Yuusuf.
waxaan
weli soo gudbin xubnuhii uga mid noqon lahaa Gudigan Dib u-heshiinta
qaran Beesha Dir oo laga sugayo in ay 6 dooda xubnood ugu
soo gudbiyaan sida ugu dhaqsaha badan,iyadoo isla fadhigana
lagu ansixiyey xeerkii lagu dhaqi lahaa guddigaan dib u
heshiisiinta
Qaran.
Shirkii
maanta ayaa sidoo kale lagu magacaabay Saraakiil dowladeed
kuwaasoo qaarkood horay ugu shaqeyn jiray xilalka maanta lagu
magacaabay, waxaana ka mid ah: Yuusuf Cumar Azhary oo loo
magacaabay La Taliyaha arrimaha Siyaasadda ee madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa isaguna
loo magacaabay la taliyaha Arrimaha Nabadgelyada ee Madaxweynaha,
sidoo kalena Caydiid Ilka Xanaf ayaa isaguna loo doortay in
uu noqdo La taliyaha Dhinaca Sharciga ee Madaxweynaha, Maxamed
Yuusuf Weyrax ayaa isaguna loo magacaabay la taliyaha dhinaca
dhaqaalaha ee xafiiska Madaxweynaha, halka Daahir Mire Jibriil
loo magacaabay Madaxa Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
Axmed
Sidoo
kalena waxaa lagu magacaabay Shirkii maanta Wakiilka Qaramada
Midoobay u fadhin doona Soomaaliya, kaasi oo ah Dr. Cilmi
Axmed Ducaale, iyadoo Danjiraha Soomaaliya u fariisan doona
dowladda Shiinahana loo magacaabay Maxamed Axmed Cawil
|