|
Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo ku dhow dhow mas’uuliyiinta Dowladda KMG ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu gabi ahaanba sii bur buraya jiritaanka dowladda KMG ah.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay meesha ka baxday sheegas-hadii Dowladda KMG ah ee ahayd in ay Dowlad ahaan uga qeyb galaan, taasoo meesha ka saartay markii gudd-iga IGAD uu si toos ah u shaaciyay in dhamaan ka qeyb galayaasha shirka ay siman yihiin qabiil ahaana wax lagu wada qeybsanayo.
Sidoo kale Warar kale ayaa iyana sheegaya in C/lla Deerow iyo Xasan Abshir ma-rkii ay ogaadeen in aysan jirin Dowlad ay matalayaan ay dantu biday in ay beelahooda wax la qeybsadaan, iyadoo shalay arrintan laga dheehan karay liiskii ay gudbiyeen Qowmiyadda Digil iyo Mirifle C/lla laga siiyay 14-Xubnood, iyadoo sidoo kale la filayo in Xasan Abshir uu isna wax la qeybsado Beesha Daarood oo uu asal ahaan ka soo jeedo.
sidoo kalana dhamaan xubnihii ku baxay magaca Dowladda ayaa la sheegay in ay u wada dhaga nugul yihiin habka ay Beeluhu wax ku qeybsanayaan oo mid walbaa uu beesha xusul duub ugu jiro in uu ka helo xubinimo ay uga qeyb galaan wajiga labaad ee shirka.
|