|
Hargeisa, 28ka January 2003,
Faallo gaaban – By Banadir.com
Tan iyo markii dib loo bilaabay wajiga labaad ee shirka nabadeynta Soomaalida todobaadkii na soo dhaafay , oo madaxa maamul goboleedka Puntland Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed uu ugu baaqay maamulka ka dhisan Somaliland inuu ka soo qayb galo kulanka Eldoret, kadibna hogaamiyayaasha kale ee Soomaalidana ay ku waafaqeen, kana codsadeen guddiga qabanqaabada shirka in martiqaad rasmi ah loo fidiyo Somaliland,ayagoo xusay in ayan jirin cid kala jara karta midnimada Somalia , ayaa waxa si isdaba joog ah uga soo baxayay Xaruunta Somaliland ee Hargeisa jawaab celino kulul oo naqdineysa baaqaas .
Waxaa xaruunta madaxtooyada Somaliland ay ka soo saartay arrinkan war saxaafadeed oranaya in aanay gorgortan kali karin marnaba madax banaanida Somaliland , shirkana uu yahay mid khuseeya koonfurta Soomaaliya . Wuxuu kaloo war saxaafadeedku carabaabay in Somaliland ay dhaqan galisay , una suurta gashay dadaal dheerad ah kadib , muqawamaadkii dawladnimo oo ay ka mid yihiin dhismaha aqalada baarlamaanku leeyahay,dastuur qoran iyo maamulka dawladda.
Sidaa oo kale waxaa iyana ka hadlay baaqaa siyaasiin Somaliland ah oo ayiday mowqifka dawladda ka dhisan Hargeisa, waxaana ka mid ah ragaas Axmed Maxamuud ( silaanyo) oo ku tilmaamay Somaliland oo loogu yeero shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida inay ka dhigan tahay
Ayadoo la bililiqeysto mirihii ay beerayeen 12kii sano ee ay madax banaanaayeen .
Hadaba waxay su’aasho tahay ma lagu qancay jawaab celintii Somaliland ? Jawaabtu waa maya , marka la eego dhinaca Soomaalida ku shireysa Eldoret oo soo cusbooneysiiyay dorraad (26/01/2003) baaqooda , kana codsaday guddiga IGAD ee qabanqaabada shirweynaha in loogu daro 50 xubnood ergo ka socota Somaliland shirka , 5 kursina ay ka helaan golaha hogaamiyaasha . Sidaasna uu ku noqdo shirku mid ay soomaalidu u dhan tahay .
Hadii laga eego dhanka Somalilandna, jawaabtu waa haa , oo ma jirto maalin qura oo mas’uuliinta maamulka Hargeisa ,idaacadda iyo wargeysyada ka soo baxa Soomaliland ayan ka hadlin mowqifkooda ay ku diidan yihiin baaqa loo soo jeediyay . Waxayna arrintu u muuqataa mid sida dhabtu tahay markani saameyn ku yeelan doonta himilda dalka laga magac baxay Somaliland, waayo iyadoo iminka aduunku marayo marxalad adag , Maraeykanka iyo dawladaha reer galbeedkuna ay si gaar ah u eegayaan dalalka geeska afrika guud ahaan, gaar ahaana mushkiladda Soomaaliya ka taagan iyo sidii xal loogu heli lahaa .
Hadii aan intaa uga gudubno qodobka koowaad ee faaladan , waxaa si kooban ugu soo qaadaneynaa mowduuca qodobkiisa labaad oo ah shaqsiyadda Madaxeynaha Somaliland Mudane Dahir Riyaale Kaahin oo beryahan ka hadalkiisu uu ku soo batay shabakadaha internetka Soomaalida . Waxayna arrinta ku qotontaa dowrkii foosha xumaa ee uu ka soo qaatay bishii June 1988 Mudane Kaahin markii uu ahaa madaxda Xafiiska Nabadsugidda ee Magaalada Berbera ee Gobolka Waqooyi Galbeed xarigii ,ciqaabintii iyo dilkii loo geystay dadkii rayidka ahaa markay SNMdu soo weerarreen magaalooyinka Hargeisa iyo Burco sanadkii 1988 .
Sida ay qortay Raaqiya A. Omaar oo ah Agaasimaha Ururka Caalamiga ee xuquuqul Insaanka , tirada dadka ku geeriyooday gacanta ciidamada NSSta waxay kor u dhaafayaan ilaa iyo 500 qof , gaar ahaana xasuuqii ka dhacay Buurta-Sheikh oo uu Daahir Riyaale mas’uul buuxa ka ahaa .
Waxaana jira markhaatiyaal badan oo nool , qaarkoodna iminka ku sugan yihiin Somaliland gudaheeda oo ku caddeynaya fal denbiyeedkaas Daahir Riyaale .
Hadaba waxay su’aasho tahay nin sidaa danbiile u ahaa oo sababay jir-dilka, dhaawaca , kufsiga iyo dhimashada dad badan oo rayid ah oo aan waxba galabsan , miyeey haboon tahay inuu isu taago doorashada madaxtinimada Somaliland , inuu ku guuleysto haba sheegine . Waxaa Jawaabta su’aashaa leh shacabka Somaliland , markay bixinayaan codkooda, laakiin waxay Raaqiya qabtaa inay iyada iyo inta kale ee indheer garadka ah ee wax bartay ay mas’uuliyad ballaaran ka saaran tahay sidii ay dadweynaha ugu soo bandhigi lahaayeen xaqaa’iqa hawlihii ay qaban jireen Dahir Riyaale iyo qaar kaloo la mid ah oo iminka qiiq isku qarinaya.
Hadaba hadii arrinku sidaa noqdo ,oo rayul-caamka dadku ka qabaan shacbiyadda Daahir Riyaale Kaahin uu hoos u dhaco, ma laga yaabaa inuu xisibiga Dawladda ee UDUB soo magacaabo musharax kale ? Maxayse noqon doontaa markaa fursadaha ay haystaan Axmed Maxamuud (silaanyo) iyo ragga kale ee kula tartamaya jagada madaxtinimada Somaliland ?
|