|
Tixraac:
XRW/Ag/Og1:
Ujeeddo:
Jagooyin Bannaan
Golaha
Wasiirada ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay go'aamiyeen
kulankoodii Sabtida ee July 28, 2001 in ogeysiis iyo baaq
loogu sameeyo ummadda Soomaaliyeed xilka Agaasimayaasha Guud
ee Wasaaraaha Dowladda si loo helo dadka ugu mudan ee qaban
kara shaqooyinkaas.
Haddaba
waxaa lagu wargelinayaa aqoon yahanka Soomaaliyeed meel kasta
oo ay joogaanba in ay dowladdu qabanayso araajida (CV-ga)
xilka Agaasimayaasha Guud ee dhammaan Wasaaradaha Dowladda.
Waxaa ay dawladdu u baahan tahay dad khibrad leh; sidaa darteed
waxaa loogu baaqayaa Soomaalida meel kasta oo ay joogaanba
in ay u tartamaan jagooyinkaan kana qayb qaataan dib u dhiska
Qaranka: Shuruudaha laga doonayo Tartamayaasha
1. Waa
in uu Soomaali yahay;
2. Waa in uu haysto shahaado jaamacadeed ama khibrad u dhiganta;
3. Waa in uu leeyahay Toban (10) sano oo khibrad maamul iyo
maarayn sare;
4. ah (Ten years of top level administration or management
position);
5. Waa inuu leeyahay labaatan sano (20) oo khibrad ah maamul
dowladeed ah in uu ku dhex jirey (ugu yaraan toban sano oo
maamul iyo maarayn ah iyo toban shaqo ah);
6. Waa in uu caafimaad qabo da'ahaanna aanu ka weyneyn 60
sano;
7. Waa in uu diyaar u yahay in uu shaqada ka bilaabo Muqdishu
markii la magacaabo;
8. Waa in uu yaqaan laba luuqadood oo ajnabi sida Carabi,
Ingiriis, Faransiis, iwm.
9. Waa in uu taageersan yahay shirkii Carta iyo Dowladda Soomaaliyeed
ee ka dhalatay;
Ku soo
dir / hagaaji araajida: Fax: (252 1) 21 89 69 ama Ama keen
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Email: agaasime@yahoo.com
Xusuusin:
Qabashada Araajida (CV) waxaa ugu danbaysa August 7, 2001
C/rashid
K. Xaashi
Ku Xigeenka Madaxa Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha
______________________________________________________________________
Tel: (252 1) 21 89 72;
(252 1) 64 64 39; Fax: (252 1) 21 89 69/70;
www.somaligov.com
|