|
Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee degan magaaladda Toronto ayaa xaflad aad u
qiimo badnayd ku soo dhowaysay Wasiirka Gaadiidka cirka iyo
Dhulka ee Jamhuuriyadda Somaliya Mudane Abdi Guled.
Xafladaas
oo ka dhacday hotelka Delta ee Magaalada Toronto, waxaa ka
soo qayb galay Madax ka socotay Dowladda Dhexe (federal Government),
Gobolka iyo dolwada hoose ee Canada.
Wasiirka
wuxuu la kulmay jaaliyadda ka sokow, Mr. Roy Cullen, Mr. Alen
Towcs, Mr. John Hasting iyo Mr. Joe Mihavc oo Wasiirka gudoonsiiyay
shahaado sharaf.
Xafladaas
waxaa soo qaban qaabiayay Madaxa Ururka Somali Immigrant Aid
Org. Mr. Mahad Ali Yusuf.
Sidoo
kale waxaa maalinta Sabtida Wasiirka loogu sameeyay Xaflad
soo dhowayn ah Magaalada Ottawa .
|