|
(MUQDISHO TIMES)
C/laahi Axmed Caddow oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida isla markaana ka mid ahaa musharixiintii madaxtinimo ee shirkii Carta xilal badana ka soo qabtay Dowladdii Milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad ayaa shalay beeniyay war ay ka faafisay Idaacadda Horn Afrik taas oo sheegeysa in C/laahi Axmed Caddow uu kula heshiiyay C/laahi Yuusuf si uu ku helo Ra段isul Wasaare in uu saxiixo Caddow in Magaalo madaxda loo raro Gaalkacyo haddiiba uu madaxweyne helo C/laahi Yuusuf.
C/laahi Axmed Caddow ayaa arrintan ku tilmaamay mid aan jirin isla markaana midowga Walaalaha Mudug ay Idaacadda tilmaantay ay tahay mid dhabarka looga jabinayo ololiisa doorasho ee madaxtinimada.
的suma soo sharxin Ra段isul wasaare mana u taagni waxaana u sharaxanahay Madaxweyne蚤yuu yiri C/laahi Axmed Caddow oo sidoo kale si toos u caddeyay in uu isu sharxayo madaxtinimada, dhanka kalena afhayeen u hadlay C/laahi Axmed Caddow ayaa sheegay in aysan is arkin C/laahi Yuusuf marnaba.
|