|
(BBC)
Iska horimaad hubaysan oo u dhexeeyey maleeshiyooyin soo kala horjeeda ayaa Sabtidii ka dhacay agagaarka isgoyska Sanac ee degmada Yaaqshiid ee magaalda Muqdisho.
Ugu yaraan shan qof ayaa dhimatay in ku dhow toban kalena wey dhaawacmeen kaddib markii ay maleeshiyooyin hubaysan rasaas xoog leh isku weydaarsadeen agagaarka isgoyska Sanca duhurnimadii Sabtida.
Sida uu sheegay nin goobjooge ahi, waxa uu dagaalku billowday kaddib markii baasuuke lala beegsaday baabur nooca Toyota Landcruiser ah oo dul bannaan oo ay saarnaayeen rag hubaysan. Baasuukehaasi ayaa markiiba ay ku geeriyoodeen qaar ka mid ah raggii hubaysnaa ee baabuurka watay, iyadoo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Dagaalka ayaa misana sii fogaaday kad dib markii maleeshiyooyin beeleed ay u gurmadeen baabuurka baasuukaha lala beegsaday ee go’doomay, kuwaasoo dabadeed halkaasi ka saaray baabuurkii iyo raggii waxyeelladu gaartay. Dadka ay waxyeelladu gaartay ayaa waxaa ku jira dad shicib ah oo ay rasaas habaw ah haleeshay.
Lama yaqaanno sababta uu dagaalkan u billowday, waxayse dadka qaar la xiriiriyeen arrin ku raad leh xagga beelaha, inkastoo baabuurka la weeraray markii hore ay iska lahayd shirkadda isgaarsiinta ee NationLink. Baabuurkaasi ayaa markii uu weerarku qabsaday u socday hawl-maalmeedkiisii caadiga ahaa sida uu sheegay nin u hadlay shirkadda NationLink.
Dagaallada noocaan oo kale ah ayey magaalada Muqdisho ka nasatay ilaa intii ay billaabatay bisha Ramadaan oo ay dadka inta badan sooman yihiin. Laakiin, haddana daggallada noocaan oo kale ah ee ka dhex qarxa beelaha amaba maleeshiyooyinka is-qooma ayaanan laga rajo qabin in ay ka joogsadaan magaalada Muqdisho ilaa inta uu hubku gacmaha ugu jiro maleeshiyooyinka aanan cidina si toos ah u xukumin.
|