|
Mogadishu,1da April 2006
By Banadir.com
Isbaaro cusub ayaa shalay subax Midowga Maxaakimta Islaamka ay dhigeen halka ay ku kulmaan wadada Via Lenin iyo Maka Al-Mukarama ee is-goyska KM 4 ee magalada Muqdisho.
Sababta ka danbeysa Isbaaradan ayaa ah mid looga soo horjeedo in aanay isticmaalin wadadaa muhiimka ah maleeshiyada Isbahaysiga la-dagaalanka Aragagaxisada, oo ay ku bahoobeen wasiiro ka tirsan dawladda federaalka kmg ah iyo ganacsatada Muqdisha qaarkeed.
Sida laga warqabo, waxaa dagaal aad u ba'ani uu ku dhexmaray dhowaan magaala madaxda Muqdisha maleeshiyo kala taabacsan Midowga Maxaakimda Islaamka iyo Isbahaysiga la-dagaalanka Argagaxisa .Ugu yaraan 87 qof ayaa ku dhintay iska hor-imaadkan, iyadoo tira intaa ka badane ay ku dhaawacmeen.
|