|
Muqdisho,1da January 2006
By Banadir.com
Labadii maalmood ee ina soo dhaaftay,waxaa degmada Kaaraan la soo gudboonaatay xaalad qalafsan oo gebi ahaanba keentay in gaadiidka dadweynaha uu is-taago, kadib markii maleeshiya ka amar qaata Muuse Suudi ay is-baarooyin badan, oo qaarkood isu-muuqda dhigeen wadooyinka degmada .
Waxaa kaloo jirta in goobaha qarkood ay xiisad weyn oo keentay inay si aad ah ugu murmaan darawaliinta gaadiidka dadweynaha iyo maleeshiyada is-baarada dhigtay lacagta la kala qaadanayo, marmarna ay dhacaysay in maleeshiyada xabado fureen, si ay u cabsi geliyaan darawaliinta iyo dadweynaha saaran gaadiidka.
Warku wuxuu intan ku darayaa in maleeshiyada Muuse Suudi markay waayeen gaadiid soo mara wadooyinka, ay misana qaarkood kula dhaqaaqeen baarasho foolxun dadweynihii luqta ku socday,taa oo keenaty in dhaq-dhaqaaqa nolosha ee degmada uu gebi ahaanba joogsado.
|