|
London,25ka April 2004
By Banadir.com
Waxay dawladda Ingiriiska gaashaanka ku dhufatay, oo ay diiday codsi kaga yimid xubin ka tirsan baarlamaanka Boqortooyada UK oo dalbaday in la tixgeliyo jiritaanka xaaladda siyaasadeed ee maamulka ka dhisan Gobolka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.
Warqad qoraal ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska ugu soo jawaab celisay Mudanaha oo magaciisa la yiraahdo John Austin, ayeey ku caddeysay mowqifka Dawladda uu madaxa ka yahay Tony Blair, kaas oo ah inaysan aqoonsan maamulka la magac baxay Somaliland, mar hadii xukuumadda London ay ayiday baaqa golaha ammaanka ,ururka Afrika iyo midowga Yurub ee la xiriira dhowridda midnimada Soomaaliyeed.
Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska wuxuu kula taliyay hogaanka maamulka Somaliland inay la xaajoodaan dawlada cusub ee la filayo inay ka dhalato shirka nabadeynta Somaalida uga socda magaala madaxda Kenya ee Nairobi.
Sida laga warqabo, madaxa dawladda kmg ah Cabdiqassim Salaad Xasan ayaa mar sii horreysay u gudbiyay warqad qoraal ah oo uu ku tirtirsiinayo,kuna adkeynayo madaxa dawladda Ingiriiska Tony Blair in aanu dheg jalaq u siin gacan-haadinta Daahir Rayaale Kaahin.
|