|
Soomaaliya
iyo Ethiopia waxay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan amuuro
badan oo khuseeya hagaajinta calaaqaadkooda , kadib markii
lagu soo gebegebeeyay wadahadalo beryahan uga socday Addis-Ababa
wefdi ka socda Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya iyo madax ka
tirsan Dawladda Ethiopia , sidaas darteedna ay labada dal
is-dhaafsan doonaan mustaqbalka dhow diploomaasiyiin kala
matala , si loo xaqiijiyo bog cusub oo furma xiriirkooda.
Waxay
Ethiopia ku ballanqaaday inay ku dadaali doonto dhameystirka
hawlaha lagu heshiisiinayo Xukuumadda KMG ah iyo Mucaaradka
.
Si taas
u hirgashana , wefdi Ethiopian ah ayaan dhowaan tagaya Muqdisho
. Sidoo kale , waxay wararku sheegayaan in Wefdiga Xukuumadda
KMG ah uu durbadiiba kula kulmay Addis-Ababa xubnaha Golaha
Nabadda ee Mucaaradka , iyadoo la filayo inay sii socon doonaan
shirarkooda maalmaha soo socda , si loo gaaro xal dhameeya
dagaalka sokeeya ee Soomaaliya .
Wixii
faahfaahin ah fadlan ka akhriso maqaalkan oo ay qortay maanta
16th June 2001 Jariidada
Al-Khaliij .
|