|
Sida
uu ka soo tebiyay Addis-Ababa Weriyaha Wakaaladda Wararka
Qadar, Dawladda Ethiopia waxay isku dayeysaa in kulansiiso
Dawladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Mucaaradka hubeysan ee ka
soo horjeeda,sidaas waxaa maanta oo Jimco ah 15ka June 2001
daabacay Jariidada Al-Ittixaad ee ka soo baxda Imaaraadka.
Warku
wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda Ethiopia ay ku dhowaaqday
dadaalka ay ku dooneyso inay kulansiiso Xukuumadda KMG ah
iyo Mucaaradka Soomaalida ee hubeysan , kadib markii ay dhowaan
ku shireen Nairobi Madaweynahayaasha Jabuuti iyo Kenya iyo
Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia .
Sida la
ogsoon yahay waxaa Addis-Ababa jooga wefdi sare oo matalaya
Xukuumadda KMG ah, uuna madax u yahay Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka
Inj. Cusmaan Jaamac Cali iyo wefdiga mucaaradka oo uu hoggaaminayo
Jen. Aden Cabdullahi (Gabyow) .
Read the
following article from AlIttihad Newspaper : http://www.emi.co.ae/Ittihad/Details.asp?ArticleID=21342
|