|
1941
Weston Road. Toronto, Suite 201D, Ontario, Canada. M9N 1W8
Tel: 416-913-5367 Fax: 416-913-5370 E-mail: hawiyeactiongroup@hotmail.com
Qorshe Sir ah oo ay Wada Galeen Cabdullaahi Yuusuf, Dawladaha Yemen
iyo Itoobiya
July 4, 2005
Warkaan oo aan ka
helnay SULDAN HURRE HUMAN RIGHTS GROUP (SHHRG) oo ka soo xigtay ilo qarsoodi
ah, ayaan waxaan u aragnaa in ay waajib nagu tahay in aan soo ban dhigno
si loola socdo khatarta colaadeed ee uu wado Cabdullaahi Yuusuf. Warkii
naloo soo gudbiyey wuxuu ku bilowday:
Waxaa noo soo gudbiyey
sirtaan goobjooge waxaana ka cudur daaranaynaa inaan soo gudbino magaca
qofka noo soo diray sirtan, arrimo nabadgelyadiisa la xiriira awgeed.
Waxaa naloo xaqiijiyey in dawladda Yeman iyo Itoobiya la galeen Col.C/Yusuf
heshiisyo. Heshiisyadan ayaa Col. C/Yusuf loogu balan qaaday inay labadan
dawladood siinayaan wixii taageero milatariya ee uu u baahdo. Waxaa kaloo
heshiisku qorayaa in labadan dawladood u soo dirayaan Col.C/Yusuf saraakiil
dhan 140 oo siiya tababar ciidamada uu diyaarsanayo si uu ugu weeraro
gobolada Muqdisho iyo Baydhabo.
Waxaa naloo xaqiijiyey
in saraakiisha ka kala socota Yeman iyo Itoobiya bixinayana tababarada
ay kala hogaaminayaan Capt. Osman Saalah Jaabir oo Yemani ah iyo Capt.
Girma Yerid oo Itoobiyaan ah.
Waxaa naloo xaqiijiyey
in dawlada Yeman iyo Itoobiya ay ugu deeqeen Col. C/Yusuf 4 diyaaradood
oo kuwa ciidamada qaada ah. Waxaa naloo xaqiijiyey inay u tababarayaan
12 baylood. Waxaa naloo xaqiijiyey in 90 gawaarida qoryaha tiknikada la
saaro uga soo degeen dekedda Boosaaso Col.C/Yusuf. Waxaa gawaaridan soo
gaday Cabdulaahi Cumar Bootaan oo ku nool dalka Imaaraadka.
Waxaa naloo xaqiijiyey in 4 doonyood oo hub iyo saanad milarati ah, kana
yimid dalka Yeman ku soo fool leeyihiin dekedda Boosaaso. Waxaana loo
xilsaaray Cabdirashiid Aadan Seed (Qoor) iyo Injineer Ismaaciil Xaaji
Warsame wixii huba ee uga yimaada Col.C/Yusuf dhanka Yeman.
Waxaa naloo xaqiiyey in Col. C/Yusuf u saxiixay Dawladda Itoobiya inay
ka qodo Ceelal Gaas ah oo laga helay Gobolka War-dheer oo ah dhulka Soomaalida
ee ay Itoobiyo gumaysato. Waxaa naloo xaqiijiyey in ceelashan ay qodayso
ama maal gelinayso shirkad ka socota dalka China.
Waxaa naloo xaqiijiyey
in shikadani ka dalbatay Dawladda Itoobiya inay lagama maar maan tahay
in Soomaaliya aysan ka hor imaanayn qodida ceelashan ama soo weerarayn.
Waxaa naloo xaqiijiyey in Col. C/Yusuf u saxiixay Dawladda Yeman inay
ilaaliso badda Soomaaliya 25 sano. Waxaa naloo xaqiijiyey in Col. Yusuf
u saxiixay Dawladda Yeman inay ka kaluumaysato Badda Soomaaliya 25 sano.
Heshiikan ayaa bilaamaya 2005-2030.
Waxaa naloo xaqiijiyey in Col.C/Yusuf samaynayo Ciidanka Sirdoonka Soomaaliyeed
(CSS). Ciidankan ayaa naloo xaqiijiey in ay ka koobnaanayaan 1500. Waxaana
madax looga dhigay Axmed Cabdulaahi Yusuf oo ah wiil uu dhalay Col.C/Yusuf.
Waxaa naloo xaqiijiyey in ciidankan lagu soo tababarayo magaalada Makeli
ee kiilka 1aad ee dalka Itoobiya. Waxaa naloo xaqiijiyey in 130 ka mida
ciidankan ay noqonayaan haween.
Waxaa naloo xaqiijiyey in wixii laga bilaabo 1.08.2005 in dakhliga dekadda
Boosaaso ka soo baxa 85% lagu bixinayo abaabulka ciidan ee Col.C/Yusuf
wado.
Waxaa naloo xaqiijiyey in Col.C/Yusuf samaynayo 4 xarumood oo lagu tababaro
ciidamada: Xarunta 1aad oo ah 54-aad Garoowe, oo lagu xeraynayo malayshiyooyinka
laga soo aruuriyo, Nugaal, Laascaano, bariga Ceerigaabo. Waxaana xarunta
1aad ka madaxa Col.Cabdulaahi Mire Careys iyo Capt. Siciid Axmed Xirsi
(Siciid-dheere).
Xarunta 2aad Baliga Ab-qaale ee degmada Xarfo, oo lagu xeraynayo malayshiyooyinka
laga soo aruuriyo, Mudug, War-dheer, Caado, Qaloocan, Maaneed iyo Mirafadle.
Waxaana xarunta 2aad madax ka noqonaya Cawil Dhiig-sokeeye iyo Col.Cabsirisaaq
Af-guduud.
Xarunta 3aad Feer-Feer, oo lagu xeraynayo malayshiyooyinka laga soo aruuriyo,
Jawhar, Hiiraan, Godey, Dhagax-buur iyo nawaaxiga Afgooye. Waxaana xarunta
3aad madax ka noqonaya G/sare Nuur-salaad Muuse Cali iyo Maxamed Aadan
Bidaar.
Xarunta 4aad Xudur oo lagu xeraynayo malayshiyooyinka laga soo aruuriyo,
Kismaayo, Af-madow, Dhoobley iyo Bu'aale. Waxaana xarunta 4aad madax ka
noqonaya G/ Sare Jaamaca Geyre iyo Col.Maxamuud Isaan
Waxaa naloo xaqiijiyey in Col. C/Yusuf qorshaynayo in loo samaynayo qof
kasta oo Soomaaliya Teesare lagu qorayo beesha uu ka dhashay iyo gobalka
uu degan yahayn. Waxaana loo xilsaaray inuu diyaariyo Teesarayaashaas
Injineer Cali Yaasiin Faarax oo degan dalka Imaaraadka.
Anagoo ah (SHHRG) waxaan aad iyo aad uga xunahay dagaalka iyo colaada
cusub uu Col.C/Yusuf dalka Soomaaliyeed dib uga abuurayo. Waxaana kula
talinaynaa in wixii khilaafa oo jira wada hadal lagu dhameeyo.
Waxaa naxdin leh in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku fekerayaan in Col.C/Yusuf
uu dagaal ku qaadayo beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirif oo kaliya marka
inaan waxba ka qusayn arinkan. Waxaan xasuusinaynaa dadka fikirkaas qaba
in Col. C/Yusuf uu dagaalka iyo colaada ka soo bilaabay goboladda Puntland,
ilaa uu diley dad biri-magaadho ah sida (Suldaan Axmed Hurre iyo Faarax
Dheere). Waxaan kaloo xasuusinaynaa in fikirkani yahay mid qaldan xaga
diinta Islaamka iyo bini'aadanimadaba.
Ka dib fadhi degdeg ah oo uu yeeshay Ururka Hawiye Action Group (HAG)
wuxuu go'aan ku gaaray in aan u jeedino:
Digniin: Ururka HAG
wuxuu uga digaayaa C/laahi Yuusuf hurinta colaadda sokeeye oo dhalin karta
dhibaato waarta. Waxaan la socodsiineynaa Adduunweynaha in arrintan ay
noqon doonto mid sii fogeysa nabad iyo xal laga gaaro arrimaha Soomaaliya
iyo geeska Afrika.
Codsi: Waxaan Qaramada
Midoobay ka codsaneynaa in ay ka dhabeeyaan cunaqabateyntii xagga hubka
ee la saaray Soomaaliya oo ay tillaabo ka qaadaan waddamada mar kasta
ku xad gudba xeerkan, sida dawladaha Itoobiya iyo Yemen.
Baaq: Waxaan ugu baaqeynaa
Baarlamaanka Ummadda Soomaaliyeed in ay si degdeg ah xilka uga qaadaan,
maxkamad Qarana u soo hor taagaan kuwa ku hawlan khayaamada Qaran oo uu
ugu horreeyo Col. Cabdullaahi Yuusuf.
Talo: Waxaan Ummadda
Soomaaliyeed kula talineynaa in ay diyaar u noqdaan difaacidda dadkooda
iyo dalkooda, oo ay gumeysteyaal iyo kuwo uu ku adeegto ay doonayaan in
ay dulli geliyaan.
Contact:
Mr. Liban Gabeyre
Executive Director
hag@hawiyeactiongroup.com
Tel: 416-833-2794
|