|
Waxaa
caawa ku guuleystay tartankii 4aad ee caalamiga ah ee Quraan
akhriska ee lagu qabtay bishan barakeysan ee Ramadaanka
magaaladan Dubai, wiil Soomaaliyeed oo la yiraahdo Cabdulcaziiz
Cabdullahi Adam. Waxaana tartankaas kula jiray 60 tartame
oo laga soo kala sharaxay 60 dal oo qaarna ay muslin yihiin,
qaarna ay ku nool yihiin jaalaiyado Islaam ah .
Tartankaan
oo socday in muddo ah , waxaa si caalami ah looga daawanayay
maxadhadaha Telefishinka Dubai habeen kasta , iyagoo ay
garsoorayeen culuma loo soo dooray oo ka kala socday dalalka
Syria, Masar, Tunisia, Sudan, Morocco iyo Turkey .Waxaa
kaloo lagu martiqaaday culumaa-u-diin ka kala socday dalal
badan oo dunida muslinka ah oo goobjoog ahaa .
Tartamayaasha
oo dhan waa inay dusha ka qaybaan Quraanka ,iyagoo su'aalo
laga weydiiyay meela kala duwan ,si aad ah loo dhegeystay
tajwiidkooda.
Xafladii
lagu soo gebegebeeyay tartankan oo lagu qabtay caawa (16th
December 2000) Xaruunta Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha ee
Dubai, waxaa ka soo qaybgalay oo ka abaalmariyay tartamayaasha
Sheikh Maxamed Bin Raashid Al-Maktoum oo leh dhaxalka xaakimnimada
Dubai (crown prince ) isla markaana ah Wasiirka Gaashaandhigga
ee Isutagga Imaaraadka Carabta.
Waxaa
kaloo isla munaasabadaas lagu sharfay oo yimid shaqsiyadda
Islaamka ee sanadkan oo loo gartay inuu noqdo Sheikh Yuusuf
Al-qaradaawi oo nin caalin ah oo adduunka muslinka laga
yaqaano, waxna ka dhiga Jaamacadda Dooxa ee Dalka Qadar
, iyadoo xafladdu ahayd mid si wanaagsan loo agaasimay oo
ay ka soo qaybgaleen shuyuuq,madax sare iyo dadweyne aad
u tiro badan .
Waxaa
xusid mudan in sanadkii ina soo dhaafay, tartankii la qabtay
uu wiil Soomaaliyeed ka galay jagada 4aad,isagoo helay 70,000/=
oo dirham oo u dhiganta US.$ 19000/= . Laakin Sanadkan tartamihii
ka socday dalkeena Soomaaliyeed oo runtii kor u qaaday sumacadda
iyo sharafkeenaba wuxuu ku guuleystay lacag dhan 250,000/=
oo dirham , una dhiganta 68,000 oo doolarka mareykanka ah
. Hambalyo, Hambalyo.
|