|
Abu Dhabi,2nd November 2004
By Banadir.com
Madaxweynaha Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Zaayid Bin Suldaan Al-Nahyan ayaa galabta oo Talaada ah, taariikhduna tahay 2da bisha November 2004,kuna beegan (19ka Ramdaan 1425 Hijriya) ku geeriyooday magaalad Abu Dhabi oo ah caasimadda dalka Imaaraadka.
Allaha u naxariistee, wuxuu marxuum Sheikh Zaayid bin Suldaan Al-Nahyaan qabtay awoodda xukunka Imaaraadda Abu Dhabi 6dii August 1966, isagoo markaa kala wareegay xukunka walaalkii oo la oran jiray Sheikh Shakbut Bin Suldaan Al-Nahyan.
Dabadeed markii ay midoobeen todobada Imaaradood ee Imaaraadka oo kala ah Abu Dhabi,Dubai,Sharjah,Ajman,Umul Quweyn, Ras-Ul-Khaimah iyo Fujeyrah 2dii December 1971kii, ayaa loo doortay Marxuum Sheikh Zayid inuu noqdo Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, oo uu ahaa ilaa iyo geeridiisa maanta .
Sida la filayo, waxaa madaxtinimada Imaaradda Abu Dhabi la wareegi doona dhaxal-sugaha oo ah inankiisa, lana yiraahdo Sheikh Khalifa Bin Zayid Al-Nahyan.
|