|
Tripoli 17 luuliyo.. Raiisul Wasaaraha Dowladda
Federaalka KMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi
oo uu wehliyo Wasirka Qorsheynta iyo Iskaashiga
Caalamiga Dr.Cabdirisaaq Cusmaan xasan Juriile ayaa
maanta kulan muhiim oo qaatay muddo saacad ah la
yeeshay Wasiirka amniga iyo cadaaladda ee dalka
jaamhiiriyadda Liibiya Al-sayid Naasir Mabruuk.
Raiisul wasaraha iyo Wasiir amniga waxay kulankaasi si
weyn ugu lafa-gureen qaabkii loo dhaqangalin lahaa
Barnaamijka Baaxadda leh ee ay Dowladda soomaaliyeedku
dooneyso inay ka hirgaliso Degmooyinka iyo Gobalada
Dalka ee ku saabsan Sugida nabadgalyada,dhismaha
Maamulka Degmooyinka iyo dhameystirks dib u
heshiisiinta ee ay ku howlan yihiin xubno ka tirsan
olayasha Xukuumadda iyo Baarlamaanka, waxay Prof Geedi
iyo alsayid mabruuk isku waafaqeen in Barnaamijkan uu
yahay mid wax weyn ka taraya sidii Soomaaliya ay dib
ugu soo ceshan laheyd Dowladnimadeedii,isla-markaana
uu mawaadiniinta Soomaaliyeed siinayo fursad ay uga
qeybqaataan Xukunka iyo maamulka dalka oo ka yimaada
heer Tuulo,Degmo ilaa Gobal.
Raiisul Wasaare Geedi iyo Wasiir cabdirisaaq jiriile
waxay kaloo si weyn uga hadleen qorshayaasha ay
Xukuumaddu wax uga qabaneyso dhinaca amniga,iyagoo
xusay in ay Dowladdu waddo sidii ay usoo nooleyn
laheyd,islamarkaana ay u howlgalin laheyd Ciidankii
Booliska Soomaaliyeed si ay u sugaan una soo celiyaan
Aminiga iyo kaladambeynta,iyagoo tilmaamay in si
Howshaasi looga gun-gaaro ay ka filayaan Dowladda
jamaahiiriyadda Liibiya inay gacan ka geysan doonto
najaxinta Howshaasi.
Prof Geedi wuxuu kaloo wasiirka kala halay in la sii
daayo 30 qof oo ah Muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo lagu
soo qabqabtay inay u tahriibayeen dalalka Yurub oo
lagu hayay Xabsi ku yaala Wadankaasi Liibiya in la sii
daayo dibna logu celiyo Dalka Soomaaliya, taasi oo uu
wasiirku balanqaaday, wuxuuna u sheegay in dadkaasi
Soomaaliyeed la sii deyn doono loona dhoofin doono
Dalkoodii, isagoo ka codsadayRaiisul Wasaare Geedi in
Dadka Soomaaliyeed uu ujeediyay Baaq ku aadan in ay ka
waantobaan Tahriibka ay naftooda ku biimeynayaan oo uu
sheegay in Dad badan ay hore ugu naf-waayeen, dhinaca
saxraha amo Xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo talyaaniga.
|