|
banadir.com
Wafdigii uu hogaaminayay Ra,iisul Wasaare Prof. Cali Max'ed Geedi ayaa maanta ka degay Magaaladda Jowhar ee gobolka Shabelleha Dhexe.
Prof. Geedi
oo ay la socdaan xubno ka tirsan golihiisa wasaaradda ayaa
wararku sheegayaan in si wayb loogu soo dhaweeyay Magaaladda
Jowhar. Dadwayne isugu jira mas'uuliyiinta gobolka, shacabka
iyo aradada dugsiyada ayaa tubnaa agagaarka wadooyinka si
ay u soo dhoweeyaan wafdiga Raiisul Wasaare Geedi.
Sida
wararku sheegayaan waxaa ka mid wafdiga la socda Prof. Geedi
madax ay ka mid yihiin Salim Caliyow Ibrow, Mowliid Macaan
iyo xildhibaano ka socda Baarlamaanka .
Col.
Yusuf oo isna Gaaray Jowhar
Warar kale oo magaaladda Jowhar naga soo gaaray ayaa sheegaya
in Madaxwaynaha J. F ee Somaliya Mudane Cabdullahi Yusuf uu
isna soo gaaray Magaladda Jowhar.
Mudane C/hi Yusuf oo Saacado ka dib soo gaaray ka dib markii
uu Raiisal Wasaare Geedi soo gaaray isla Magaladaas ayaa la
filayaa in ay ku negaadaan Jowhar saacado ka dibna uga gudbaan
Garowe.
Dadwayne fara badan, Masuuliyinta Gobolka oo u horkacaayo
Maamulaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Dheere, Ra'isal
Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi iyo wafdigii uu horkacaayay
ayaa wafdiga Madaxwaynaha ku soo dhoweeya garoonka dayuradaha
ee Magaalada Jowhar.
Booqashadan oo in muddo ahba la dhowraayay ayaa ka dhacday
Magaaladda Jowhar oo uu Cabdullahi Yusuf jeclaysatay maadaama
ay isku aragti yihiin Gudoomiyaha maamulka Sh/Dhexe Maxamed
Dheere. Halka Raiisal Wasaare Mudane Cali M Geedi uu ku hanwaynaa
in uu ka degto Magaaladda Muqdisho laakiin cadaadis xagga
Madaxwaynaha kaga yimid awgeed uu uga degtay Jowhar, ugana
si gudbi doono Magaalada Garowe oo saldhig u ah Col. Cabdulahi
Yusuf iyo taageerayaashiisa.
Ilaa iyo hadda ma cadda raadka ay booqashadani ku yeelan
doonto iska horimaadki xagga siayaasadda ahaa ee beryahan
ka dhex socday Madaxwaynaha iyo Raiisal Wasaaraha ee ku saabsanaa
sidii ciidan ajnabi oo ay ku jirto Dowladda Itoobiya loo keeni
lahaa wadanka Somaaliya gaar ahaan Magaalada Madaxda Muqdisho.
|