|
banadir.com March 17 2005
Ra'iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Somaliya Prof. Maxamed Geedi ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha baarlammaanka Mudane Sharif Axmed in uu ku hogaamiyay shirkii maanta dagaal iyo qalalaase. Mudane Geedi ayaa sheegay in ay jireen labo Motion oo ay soo ay soo kala dalbadeen Xukuumadda iyo mid ka yimid qaar ka tirsan xildhibaanadda.
Raiisal Wasaare Geedi wuxuu sheegay in uu ka codsaday gudoomiyaha baarlamaanka in labo cod loo kala qaado maadaaa ay kala yihiin labo motion oo kala duwan laakiin uu ku gacan sayray , sidaas daraadeedna aysan ansax noqon karin oo Motion-kii xukuumadiisa aanba loo cod qaadin.
Prof. Geedi wuxuu hadalkiisa ku daray in Sharif Axmed uu si xaq darro ah u dhaqmay isagoo kaashanaaya qolooyinkii wadanka burburiyay 14kii sano ee la oo dhaafay. " Xildhibaan mucaarad ah waan aragnay laakiin wasiir mucaarad ah ma arag. Wasiirkii ajandaha xukuumadda ku socon waayana talaabo ayaan ka qaadayaa " ayuu yiri Prof. Geedi.
Ra'iisal Wasaare Geedi ayaa ku tilmaamay maalin mugdi ah oo ummadda Soomaaliyeed soo martay iyadoo qaar ka tirsan Wasiiradiisa ay dhaawac la jiifaan.
Sidoo kale Gudoomiyaha baarlamaanka Mudane Sharif Axmed ayaa sheegay in qolooyin fara ku tiris ah oo ka socday dhinaca xukuumadda aya damceen in ay is hortaagaaan sanduuqyadii codka lagu qaadayay ka dib markii ay u cataatay in aqlabiyad looga qaadi doono codka, taas oo ku qasabtay in uu ka dhigo codbixnta gacantaag sida uu u fasaxayo axdiga qaranka.
Mar uu ka hadlaayay sida ay doorashadu u dhacay , Mudane Sharif Axmed wuxuu sheegay in in ka badan 75% ay isku raaceen Motionkii maanta looga doodayay golaha baarlamaanka oo ahaa in aan wadanka la keenin ciidamo ka socda wadamada aan jaarka nahay ee Itobiya, kenya iyo Jabuuti. Taas oo uu ku sheegay aqlabiyad wayn , kana codsaday caalamka in ay ku taageeraan go'aankaay gaareen ummadda Soomaaliyeed. Isagoo la hadlaayay wadamada aan deriska nahay , Mudane Sharif Axmed wuxuu sheegay in aan nagala joogaan ciidamadooda oo aay nagu taageeraan dhinaca logistikada oo kaliya iyagoo ku mahadsan kaalmadii aay horay nooga gaysteen.
|