|
Somalia Aid
Coordination Body |
_____________________________________________________________________________
War Baahin
URURKA
ISU-DUWIDDA GARGAARKA SOOMAALIYA (SACB) WAXA UU AAD UGA WALAACSAN-YAHAY XAALAKA
AMMAANKA IYO KAN AADAMINIMO EE GOBOLKA GEDO EE SOOMAALIYA
Nairobi (18kii April 2002da) –
Ururka Isu-duwidda Gargaarka Soomaaliya oo ka kooban hey’adaha aan dowliga ahyn, hey’adaha Qaramada Midoobey iyo
dowladaha deeqda baxshay waxa ay si aad ah iskugu shuqlinayaan xaalka ka sii
daraya ee gobolka Gedo ee Soomaaliya. Waayadan dambe waxa gobolka ku soo
kordhayey qul-qulatooyin dagaal la socdo, kuwaas oo keeney dil, dhaawac iyo
iyadoo dad badan ay ka barakaceen guryahoodii. Waxa kale oo dagaaladaasi ay si
xun u hor joogsadeen gargaarkii aadaminimo ee sida weyn loogu baahnaa ee
heya’daha samafalku ay u gudbin jireen kumannaanka dad ee baahidoodu soo
kordheyso.
Ururka Isu-duwidda Gargaarka
Soomaaliya (SACB) waxa uu si xoog leh u dhaleeceenayaa dilkii dhawaanta Gedo
lagu dilay mudane Nur Maxamed Yusuf oo
ahaa sarkaal sare oo la shaqeenayey heyad
samafaleed oo caalami ah. Mudane Yusuf waxa dagaalada haatan socda lagu
dilay maalintii 11kii April ee sanadkan. Waxa kale oo SACB ay dhaleeceenaysaa
dhimashada ku timid dad badan oo aan dambi galabsan oo ku dhex dhintey hubkii
la iski ridayey.
Waxa SACB ay si gooniya uga
walaacsan tahay dhaq-dhaqaaqa hubka gobolka Gedo dhexzdiis kor iyo hoos loo
wado, oo ka marag kacaya in la isku diyaarinayo dagaallo kale. SACB waxa ay
dhinacyada Gedo isku haya ugu yeereysaa in ay joojiyaan dagaalada si dib loogu
furo waddooyinkii la marsiin jirey gargaarka aadaminimo oo haatan xiran. Haddii aan dib loo furin wadiiqooyinkii la
marsiin jirey gargaarka aadaminimo dad badan oo kale ayaa dhiman doona.
Gobolka Gedo waxa si kulul u
saameyey saddex sano oo isku xigta oo dalagii beeruhu uu xumaadey iyo iyadoo
xasilooni daro isdaba joogta ay gobolka ku habsatey. Shicibka gobolku aad ayeey
u dayacan yihiin waxana noloshoodu ay si weyn ugu tiirsan tahay cuntada
gargaarka ah ee dibadda looga keeno. Qulqulatooyinka iyo rabshadaha haatan
socda waxa ay sababeen in kumanaan shacabka ka mid ahi ay guryahoodi dibadda
uga yaacaan, taasoo sii xumeenaysa xaaladihii awalba adkaa.
SACB waxa ay ku qasan tahay in ay
ogaato in kuwa gacanta ku haya maamulka hoose ee Gobolka Gedo, sida uu dhigayo
sharciga caalamiga ay ku qasban yihiin in ay dhowraan danaha guud ee dadka ku
nool goobaha ay maamulaan, ayna ku qasban yihiin in ay wadooyin u helaan
gargaarka aadaminimo, sugaan ammaanka shaqaalaha barnaamijyada aadamha iyo
ilaalinta gargaarka aadaminimo iyo kuwa ka faa’iideysanaya laf-ahaantooda.
SACB waxa ay filaysaa in
masuuliinta gudaha, ganacsatada, iyo kuwa kale
ee doorka weyn ku leh arimaha gobolada koonfureed ay garowsan doonaan
mas’uuliyadda ka saran kuwa noloshoodu ay sida weyn ugu xiran tahay gargaarka
aadaminimo oo deg deg u soo gaara.
Ugu dambeyn, Ururka Isu-duwidda
Gargaarka Soomaaliya (SACB) waxa uu taageerayaa isla markaana dhiiri-galinyaa
dadaalada la xiriira nabadda ee lagu goobayo laguna hubinayo in nabaddu ku
saleynaato aadaminimo. Waxa kale oo SACB ay shicibka gobolka ugu yeereysaa in
la kordhiyo dadaalada loogu jiro in lagu nabadeeyo gobolka.
Haddii
aad wara intaas ka faah-faahsan doonaysid, fadlan, la xiriir gabarta la yiraa Maura Barry, madaxa
xogeynta SACB, Tel (254-2) 448434, Fax: (254-2) 442438