|
Muqdisho,15/09/2005
By Banadir.com
Madaxa Golaha Wasiirada Dawladda Federaalka kmg ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa shalay ka caddeeyay kulankii golaha xukuumadda ku yeesheen magaalada Jowhar in si deg-deg ah Xafiis looga furi doono magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Ra'iisul Wasaare Geedi oo ka siiyay xubnaha golaha wasiirada warbixin buuxda oo ku saabsan socdaaladii uu ku kala bixiyay dhowaan dalalka Talyaaniga iyo Kenya, ayaa si qayaxan ugu tiir-tiirsaday sida loogu baahan yahay in waqtigan Dawladda Federaalka kmg ah ee uu madxda ka yahay ay xafiis ay ka hawl-gasho uga furan lahayd Magalada Muqdisha, taas oo muhiim u ah sumcadda dawladda iyo kalsoonida adduunweynuhu ku qabi doona.
Waxaa kaloo jira kulan shalay ka dhacay isla magaalada Muqdisha oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Gudaha Xuseen Caydiid,Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Cumar Maxamed (Filish),Wasiirka Macdanta Maxamuud salaad, Wasiiru Dawlaha Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Maxamed Jaamac Furux iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Madaxda Muqdisha Maxamuud Xasan Cali Gaabow (Cadde), kulankaas oo lagu taageeray , laguna ayiday hawlaha ay ilaa iyo iminka fuliyeen madaxda dawladda ee ku sugan magaalada Jowhar.
|