|
Jowhar,12ka September 2005
By Banadir.com
Waxa dalka dib ugu soo laabtay shalay Ra'iisul Wasaaraha Dawladda KMG ah ee Federaalka ah Prof. Cali Maxamed geedi, isagoo in muddo ah dibedda ku maqnaa .Waxaana ku soo dhoweeyay Xaruunta Dawladda KMG ah ee Federaalka ee magaalada Jowhar Xubno Ka tirsan Labada Gole ee Barlamaanka iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Dheere.
Inkastoo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi in muddo ah ku maqnaa dalka Talyaaniga, hadana cid la sheegi karo oo ka tirsan madaxda sare ee xukuumadda ama Baarlamaanka dalkaas oo ay is-arkeen ma uusan carabaabin. Socdaalka Talyaaniga kadib, wuxuu Mudane Geedi soo maray dalka Kenya, isagoo goobjoog ka ahaa munaasabad heshiis iskaashi oo ay ku wada saxiixeen Nairobi wasiirada Dibedda ee labada dal Kenya iyo Somalia .
|