|
Mogadishu,27th
Feb. 2002 By Banadir.com
Waxaa
Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya dhowaan soo gaaray gargaar
bani'aadanimo oo dhan 300 oo ton oo isugu jira cunno kala
duwan, daawo iyo dhar la hugto .
Waxaana
kaalmadaas ku deeqay Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka, iyadoo
iminka iyo wixii ka danbeeyana laga filayo Ururkaa gargaar
dheeraad ah oo lagu taakuleeyo danyarta Soomaaliyeed .
Sida la
ogsoon yahay, wuxuu Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka ku leeyahay
magaala madaxda Muqdisho Xafiis fuliya hawlaha gargaarka bani,aadanimo,
wuxuuna ilaa iyo burburkii Dawladii Maxamed Siyaad ka fuliyay
dalka mashaariic dhawr ah oo waxtar u leh shacabweynaha.Waxaa
xusid mudan Dugsiyada waxbarashada ee Ururku ka furay magaalo
madaxda iyo dhawr gobol oo dalka ah iyo mashaariicda looga
qoday dhulalka oomanaha ah ceelasha biyaha iyo dhismayaasha
masaajido badan.
|