|
Mogadishu,
28th October 2001
Report prepared by Banadir.com
Sidii
la sugayay, waxaa saaka ( 28/10/2001) Baarlamaanka Soomaaliyeed
uu kala noqday kalsoonidii Dawladda KMG ah ee uu Cali Khaliif
Galaydh madaxda ka ahaa, kadib markii ay aqlabiyad xoog leh
xubnaha golaha ay codkooda ku dhiibteen inay ka soo horjeedaan,
oo ay diiddan yihiin habka Xukuumadda KMG ah wax u maamushay
sanadkii ina soo dhaafay, halkaasna uu af hayeenka Baarlamaanka
Cabdalla Deerow Isaaq uu ku guddoomiyay inay dhacday Dawladdii
Cali Khaliif .
Waxay
arrintanna soo af-jartay khilaafaadkii iyo is-afgaran waagii
dhexyiilay in muddo ah Cabdiqassim Salaad iyo Cali Khaliif
oo la xiriiray ka tarjumidda iyo ku dhaqanka axdigii lagu
soo celinayay jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed ee lagu soo
guddoomiyay sanadkii tagay kulankii Carta (Jabuuti) iyo waliba
ixtiraamka iyo wada shaqeynta maamul ee ka dhexeysa Madaxweyne
iyo Ra'iisul Wasaare oo meesha ka baxay, taas oo keentay in
Madaxii Golaha Wasaraddu uu si caddaan ah uga sheego idaacadda
bbc-da hadalo liddi ku ah Madaxdiisa oo ku canaanatay maamul
xumadiisii.
Hadaba
iyadoo la wada ogsoon yahay xaaladda murugsan ee ay maanta
Soomaaliya taariikhdeeda mareyso, oo midnimadeeda halisi ku
jirto, dalkiina u kala qoqoban yahay gobolo qaarkood sheeganayo
madaxbanaani, oo ay jiraan Hogaamiye Kooxeedyo hubeysan oo
qaarkood gacansaar la leh Dawlado ajnabi ah, oo uusan dalka
ka jirin amni iyo maamul midna, shacabweynuhuna uusan garaneyn
haba yaraatee cid uu ku kalsoonaan karo, markii uu ku hungoobay
Dawladii ugu horreysay ee la helay kadib burburkii nidaamkii
Siyaad Barre, ayaa waxaa is-weydiin mudan waxa iminka la gudboon
Cabdiqassim ! Sida dhabtu tahay arrintu ma aha mid fudud,waayo
iminka lama joogo waagii(1960s) uu Madaxweyne si sahlan oo
dastuuri ah u soo magacaabi jiray Ra'iisul Wasaare.
Waxaa
loo baahan yahay inuu si aad ah oo feejigan uga baaran dego
intii aanu magacaabin ciddii bedeli lahayd Cali Khaliif. Waa
inuu helaa qof miisaaman oo ka socda gobolada Waqooyi Bari
ama Waqooyi Galbeed,oo u leh khibrad maamulka Dawladda, kasbana
kara kalsoonida shacabka iyo Baaralamaanka . Waa inuu yahay
qof xamili kara mas'uuliyadda ballaaran ee loo dhiibaya ,
dulqaadna u leh .
Dhanka
wada shaqeynta golihiisa Wasiirada , waa inay meesha ka baxdaan
waxyaabihii xumxumaa ee ay caadeysteen xubnaha Xukuumaddan
dhacday oo ay ugu horreyso dibad-wareegga aan micnaha ku fadhin,
ku takri-falka xoolaha ummadda iyo is-eegashada iyo hinaaska
caadada u noqotay wasiiradii hore qaarkood. Waa inuu jiraa
dishibiliin adag iyo la xisaabtan joogto ah iyo wada shaqeyn
ka dhexeysa wasaaradaha Dawladda .
Sidoo
kale, waa in Ra'iisul Wasaaraha cusub iyo golihiisa wasiirada
ay si toos ah ula shaqeeyaan Baarlamaanka, uguna bandhigaan
barnaamijyadooda iyo xisaabaadkooda , si guddiyada baarlamaanka
ee qaabilsan u-kuur galida kharashyada Dawladda u gutaan waajibaadkooda
, iyadoon cidna is-xumeyn, sidii ku dhacday maamulkii Cali
Khaliif .Waa in gole kasta (any cabinet) ogaadaa in lala xisaabtami
karo, lana ridi karo. Iyadoo ay jiraan arrimahaa aanu soo
xusnay iyo qaar kaloo badanba , oo u baahan inuu si taxadir
leh uga fiirsado tallaabadiisa xigta, ayaa hadana waxaad moodaa
inuu Cabdiqassim haysanba waqti ku filan oo uu uga baaraan
dego magacaabidda Ra'iisul Wasaare,waayo waxaa jira arrimo
kale oo aan ugu jirin ku-talagalkiisa oo iminka soo foodsaaray.
Ta ugu
horreysa waa shirka uu Madaxweyne Danial Arab Moi ugu yeeray
Nairobi 4ta bisha soo socota ee November 2001 madaxda dalalka
Jabuuti iyo Eretreya , isagoo isla markaana ku martiqaaday
Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya iyo Hogaamiye Kooxeedyada
ka soo horjeeda . Wuxuuna qabashada shirkan oo salka ku haya
dadaalka Mareykanku ugu jira la-dagaalanka argagixisada mandiqaddan
(Horn of Africa) saameyn ku yeelan karaa inuu soo dedejiyo
Cabdiqassim magacaabidda Ra,iisal Wasaare cusub .
Arrinka
labaad ee xasaasiga ku ah Cabdiqassim waa Qaramada Midoobay
oo dhowaan ka furatay Xafiiskeeda magaalada Baydhaba oo sida
laga warqabo gacanta uga jirta isbaheysiga mucaaradka, waxayna
tallaabadan dhabarjab ku tahay ictiraafka uu Cabdiqassim ka
haystay Koofi Anan iyo dadaalka uu ugu jiray in UNka maktab
ka furtaan Muqdisha.
Ta saddexaad
ee jirta waa gacan ku haynta ciidamada Dawladda ee magaalada
muhiimka ah ee Kismaayo oo khatar ku jirta oo sida wararku
sheegeen ay ciidamada mucaaraadku qabsadeen magaala madaxda
Gobolka Jubbada Dhexe ee Bu'aale, iminkana ay isu diyaarinayaan
inay soo weeraraan Kismaayo, taasi oo niyad-jab ku ah Xukuumadda
KMG ah .
Arrinka
afraad ee soo kordhay waa xiriirka soo wanaag sanaaday ee
u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Somaliland ,waana dhacda
lama filaan ku noqotay Muqdisha,waayo waxay Jabuuti dowr weyn
ku lahayd qabashadii shirkii Carte iyo aas-aaskii Dawladda
KMG ah .
In kastoo
wax sidaa u buurran aysan Jabuuti siinin Hargeisa,oo aan ka
ahayn ogolaanshaha isu-socodka dadweynaha labada dhinac iyo
in cadaawadda la joojiyo, hadana guul weyn bey u tahay tallaabadan
Cigaal oo beryahanba lagu kacsanaa .
Isku soo
wada duuboo hadii la tixgeliyo afartaa arrimood ee aan soo
xusnay iyo warbixintii yareyd ee ka horreysay kuna saabsanyd
xaaladda dalku marayo maanta, waxaan is leenahay kala doorashada
hortaala Cabdiqassim ma aha mid sahlan.
Si kastaba
arrintu ha ahaatee dadka wax indha-indheeya waxay leeyihiin
inuu Xasan Abshir u soo magacaabo jagada Ra'iisul Wasaaraha
ayaa noqon karta suuragal iyo xalka ugu haboon marka loo eego
xaaladda Punland oo iminka aan degeneyn, lagana yaabo inayba
soo noqdaan marka la magacaabo. Waxaa kaloo xusid mudan Ku-Xigeenkii
Ra'iisul Wasaarihii hore Cusmaan Jaamac oo isna suuragal noqon
kara magacaabidiisa .
|