|
Gabadh
Soomaaliyeed oo magaceeda la yiraahdo Xamda Maxamed Cabdullahi
Cigaal ayaa kaalinta labaad ka gashay Imtixaanaadka dhanka
Cilmiga ah ee loo qaaday sanadkan Dugsiyada Sare ee Imaaraadka,
waxayna heshay derajo aad u sarreyso oo dhan 99.7 % , iyadoo
dhigan jirtay Dugsiga Sare ee Gabdhaha ee Sakiina Bint Al-Xuseen.
Markii
uu shalay 1da July 2001 ku dhawaaqay Wasiirka Waxbarashada
iyo Dhalinyarada Imaaraadka Dr. Cali Cabdulaziz Al-Sharhan
natiijada Imtixaanadka, Xamda reerkeeda iyo Maamulka Dugsigeedaba
si aad ah ayeey ugu farxeen, waana guul weyn oo u soo hoyatay
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Imaaraadka .
Ardada
Soomaaliyeed waa kuwa had iyo jeer ka muuqda waxbarashada
Imaaraadka oo hela darajooyin sare sare .Tusaale Waxaa nooga
filan markii ay iyana gabadh kale oo Soomaaliyeed oo magaceeda
la yiraahdo Ifraax Maxamuud Guuleid ay heshay derejo dhan
98.2% sanadkii 1999 .
For More
details, please read this article by Gulf News http://www.gulfnews.com/Articles/News.asp?ArticleID=21210
|