|
Nairobi,5th November 2001
Report prepared by Banadir.com
Madaxweynaha
Kenya Danial Arab Moi ayaa maanta ku soo gebegebeeyay Xaruunta
Madaxtooyada Kenya shirkii nabadeynta Soomaalida ,wuxuuna
sheegay inuu qabo in khilaafaadka u dhexeeyay labada dhinac
ee kala ah Dawladda KMG ah iyo qolooyinka mucaaradka ku ah
inuu yaraaday, sidaas darteedna ay Kenya kala tashan doonto
dalalka jaarka la ah Soomaalia sidii loo qaban lahaa shir
sal ballaarran oo ay isugu yimaadaan dhamaan kooxaha isaga
soo horjeeda , gaar ahaana kuwii iminka qaadhacay shirkan
Nairobi lagu qabtay, si loo dhameeyo dhibaatada Soomaaliya
ka taagan .
Dhanka wadahadalada shirkan Nairobi waxaa lagu heshiiyay in
la dhaqangeliyo go'aamadii shirkii 8aad ee madaxda wadamada
ku jira Ururka goboleedka IGAD iyo ka golaha ammaanka ee Qaramada
Midoobay ka soo saaray dhowaan arrinka Somalia iyo in la bedelo
shuruucda qaranka , si loo waafajiyo baahida jirta .
Waxaa
kaloo lagu heshiiyay in la sameeyo xukuumada loo dhan yahay
iyadoo dhamaan khilaafaadka jira lagu dhameynayo hab nabadeed
.
Ugu danbeyn , wuxuu Madaxweyne Moi u sheegay madaxdii soomaaliyeed
inuu amray in la furo xadka labada dal , taasna ay tahay niyad
wanaag iyo inuu la jecel yahay ummaadda Soomaaliyeed nabad
waarta .
|