|
Wasiirka
Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Dowladda KMG ah Mudane Cabdi
Guuleed ayaa kula kulmay Magaalada Toronto qaar ka mid hogaamiyayaasha
ururada somlida ee magaalada Toronto isagoo ka soo laabtay
shirkii International Civil Aviation ee lagu qabtay Magaalada
Montreal .
Wasiirka
oo warbixin gaar ah oo ku saabsan socodkiisa iyo mid guud
oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka ka siiyay dadkii ka soo
qayb galay shirkaas. Wuxuuna ugu baaqay jaaliyadaha iyo aqoonyahanada
Somaliyeed ee dibbada joogo in xoogooda, aqoontooda iyo maalkoodaba
si xoogga ah loogu baahan yahay, wadankuna uu hadda dib u
dhisib iyo dib u heshiisiin ku jiro.
Wasiirku
wuxuu kaloo si kooban uga jawaabay suaalo ku saabsanaa xaalka
ay ku sugan yihiin qaar ka mid qalabkii hore ee wasaarada
sida dayaaradihii hore ee Shirkadda Somali Airlines.
Inkastoo
ay iska caddahay dhibaatada baaxadeeda, haddana hadalkiisa
waxaa ka muuqday rajo iyo in muddo dheer ay qaadan doonto
dhismaha wadanka , loona baahan yahay in aan lagu daawan Dowladda
KMG ah oo awoodeeda iyo dhaqaalaheeduba ay kooban yihiin.
|