|
Abu Dhabi,12ka May 2006
By Banadir.com
Soomaali badan oo ka xoogsan jiray dalka Imaaraadka ayaa bilooyinkan danbe laga fadhiisiyay shaqooyinkoodi, taas oo saameyn weyn ku yeelatay jiritaanka jaaliyadda Soomaalida ee ku noolaa, kuna dhaqnaa dalkaas.
Lixdii bilood ee ina soo dhaaftay, ayaa muruq-maalka ka soo jeeda Jaaliyadda Soomaalida ee ka shaqeyn jiray hay'adaha ay ka mid yihiin:- Dawladda Hoose (Baladiyada Abu Dhabi),Hay'adda Korontada iyo Biyaha, Wasaaradda Caafimaadka, Dekadda Weyn ee Abu Dhabi iyo Ciidanka Qalabka Sida, ayaa si koox-koox ah looga fadhiisiyay shaqooyinkoodi.
Shaqa fadhiisinta ku timid shaqaalaha Soomaalida ah waxay si gaar ah u saameysay noloshooda iyo ta xaasaskooda,iyadoo inta badan ay warqadaha fanashaadda ku noqotay qoysaskan ka soo jeeda bulshada Soomaaliyeed mid u keentay naxdin qalbi-jab leh iyo u diyaar-garow la'aan waxa ay ka yeelayaan mustaqbalka.
Arrinta kale ee murugada leh,xusidna mudan waa iyadoo inta badan qoysaskan ay ku jiraan deymo looga leeyahay bankiyada ama meela kale,iyo iyagoo leh caruur ugu jirta sanadada ugu danbeeya ee waxbarashada dugsiyada, taas oo khasaare weyn ku ah ubadkii ay ku soo tiir iyo tacab beeleen,kuna noqdo dadaalkooda hal bacaad lagu lisay.
Asbaabaha ugu waaweyn ee loo cuskaday shaqo-ka-fadhiisinta muruq-maalka Soomaalida waa iyadoo hawlihii ay hayeen laga maarmay iyo iyagoo gaaray da'dii fanashaadda ee 60ka sano.Arrinkana Soomaalida oo kaliya kuma koobna ee waa mid ay ka siman yihiin dhamaan jaaliyadaha deggan Imaaraadka.
Waxaa kaloo jira olole ballaaran oo loogu yeerayo muwaadiniinta u dhashay Imaaraadka inay ka qayb galaan dhismaha dalkooda,oo ay qabtaan shaqooyinka ay baneeyeen dadka ajnabiga ah ee la fanashay,taas oo iyana dhankeeda ka saameysay nolosha xubnaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqnaan jirtay dalkaas.
|