|
Baydhaba,5ta January 2003,
By Banadir.com
Kadib markii maleeshiyada RRA ee kala taabacsan Col. Shaati-guduud iyo ragga ka soo horjeeday ee Sheikh Aadan Madoobe iyo Xaabsade ay dhawr jeer isaga hor yimaadeen, kuna kala qabsadeen magaalada Baydhaba bilihii ina soo dhaafay, ayaa Faarax Cumar Nuur oo ah suxufi Soomaaliyeed u suurta gashay shalay inuu ka soo waramo markii ugu horeysay xaaladda dhabta ah ee nabadgelyo iyo ta nololeed ee magaalada Baydhaba .
Warbixintiisa wuxuu Faarax ku sheegay in magaalada gudaheeda ay bad qabto guud ahaan . Guryaha dadweynaha iyo goobaha ganacsiga ee gaarka ahna ay ka badbaadeen dagaaladii ay isku har-diyeen
Labada dhinac ee iska soo horjeeday . Sidaas awgeedna adeegyada guud ee lagama maarmaanka u ah nolosha sida suuqyada, korontada, daryeelka caafimaadka iyo khadadka isgaarsiinta telefoonada ay caadi u shaqeynayaan.
Waxayna arrintan xaqiijinaysaa in ayan jirin, ama ay yareydba falalka bililiqada ah ee astaanta u ah marka deegaan laga qabsado qole hore u haysatay , oo wixii hanti ah ee halkaa yiilay la kala boobo . Wuxuu kaloo Faarax carabaabay in gawaarida teknikada ah ee Maleeshiyada iminka haysata magaalada, lagu arko mararka qaarkood ayagoo jidadka orod ku maraya . Isu-socodka magaalada maalintii waa caadi, inkastoo habeenadii xaafadaha qaarkood ay cabsi jirto . Garoonka dayaaradda magaalada waa xiran yahay .
Gaadiidka waaweyn ee magaalooyinka aadaya ayaa ilaa iyo iminka ah mid aan si hagaagsan u hirgalin shaqadooda, taasna waxaa sabab u ah maleeshiyada iska soo horjeeda oo lacag baad ah oo xad-dhaaf ah ka qaada baabuurta.Waanwaan ay qolo Ashraaf culimaa’u-diin ah ka wadeen halkaa, si loo heshiisiiyo qolyaha cadaawadda ka dhexeysa ayaa Nasiibdarro lagu guuleysan ilaa iyo hadda .
Dhanka kale degmada Diinsoor iyo tuulada Yaaqbaraawe oo uu soo maray Faarax Cumar ayuu ka soo sheegay barwaaqo baad iyo biyo,iyo geel tira badan oo loo dhoofinayo dhanka Kenya, iyadoo dhowaan loogu qabtay xoola-dhaqatada degmada Diinsoor tababar la xiriira dhinaca daryeelka caafimaadka xoolaha .
|