|
Muqdisho, November 2da,2002
By Banadir.com
Xaflad ballaaran oo shalay lagu qabtay Hoteel Shaamo ee magaalada Muqdisho , ayna ka soo qayb galeen Injineerada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa lagu aas-aasay Ururka Injineerada Soomaaliyeed oo marka magaciisa la soo gaabiyo noqonaya (KEI – Kulan Engineering Institution ).
Ujeedooyinka loo aas-aasay Ururkan waa u-adeegidda xubnaha ku jira , gaar ahaana sare u qaadidda cilmigooda iyo wanaajinta xirfadooda , ururinta macluumaadka iyo daraasaadka handasada iyo isku xirka xafiisyada lagu fuliyo hawlaha injineernimada . Waxaana loo doortay inuu Ururkan Gudoomiye u noqdo Injineer Cabdirizaaq Maxamed Nuune.
Duqda Magaalada Muqdisho Xuseen Cali Axmed oo ka hadlay xafladaa ayaa soo dhoweeyay aas-aaska Ururkan , isagoo ballanqaaday inuu u fidin doono wixii tas-hiilaad ah ee fududeynaya taabagelinta hawlahiisa gaarka ah . Wuxuuna xusay dowrka uu ka qaadan karo Ururka dib-u-habeynta iyo meelmarka naqshada magaalada Muqdisho .
Injineer Cabdirizaaq Maxamed Nuune oo kulankaa isna ka hadlay ayaa sheegay in Ururku diyaarin doono aqoon is-weydaarsi ,tababaro iyo siminaaro kale oo wax weyn ka tara dib-u-dhiska guud ahaan dalka , gaar ahaana magala madaxda Muqdisha . Wuxuuna caddeeyay in xubinimada Ururku u furan yahay dhamaan Injineerada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba .
|