|
Mogadishu,24th March 2004
By Banadir.com
Madaxweynaha dawladda KMG ah Cabdiqasim Salad Xasan oo shalay la hadlayay Danjirayaasha Soomaaliya uga fadhiya dalalka Sacuudiga,Imaaraadka,Kuwait,Qadar,Jabuuti,Liibiya iyo Yaman ayaa si xoog leh u beeniyay eedeynta Maamulka Somaliland ku eedeeyeen Dawladiisa dhacdadii lagu qafaashay Jimcihii shaqaalaha samafalka, laguna dilay gabadh u dhalatay dalka Kenya.
Wuxuu Cabdiqasim ugu baaqay Maamulka Somaliland in loo baahan yahay in aan lagu degdegin eedeyntaa, oo ay haboon tahay in wax la hubsado , lana xaqiijiyo sida ay wax u dhaceen iyo cidda si dhabta ah ugu mas'uul ahayd weerarkaa qaawan .
Wuxuu kaloo Cabdiqasim si weyn ugu tirtirsiiyay Danjirayaasha sida ay lama huraan ugu tahay inay door wax ku ool ah ka qaataan sidii taageero degdeg ah loo soo gaarsiin lahaa dadka iyo dalka burburay oo ay iyagu wakiil ka yihiin. Inkastoo dalku aanu lahayn ciidan si wanaagsan u hantay amniga , hub fudud oo aad u fara badana uu yaalo , hadana lama dhihi karo Soomaaliya nabadgelyo xuma ayaa ka jirta, ayuu Cabdiqasim ku sheegay hadalkiisa .
Danjirayaashaas waxaa magaalada Xamar shalay ugu dhamaaday seminaar todobo cisho ah oo lagu falnqeynayay baaxadda uu la eg yahay burburka dalka soo gaaray iyo afkaarta ay qabaan ee ku saabsan hababka ugu haboon ee lagu taakuleyn karo dalka .
|