|
Sida ay
qortay maanta jariidada Al-Khaliij ee luqada carabiga,kana
soo baxda dalkan Imaaraadka, Waxaa uu Madaxweynaha Soomaaliya
Cabdiqaasim Salaad Xasan si weyn ugu eedeeyay Dawladda KMG
ee uu madaxda ka yahay Cali Khaliif Galaydh inuu ku guuleysan
kari waayay barnaamijkiisii boqol maalmood ahaa ee uu hore
u ballanqaaday , isagoo Madaxwenaha ku caddeeyay hadalkiisii
in ceebaha dawladda kmg ay noqdeen iminka kuwa ay dad badani
arkayaan.
Waxyaabaha
uu Madaxweynaha soo qaatay waxaa ka mid ah in Dawladda KMG
ay xitaa ku fashilantay dabagalka iyo soo ururinta lacagihii
ay dawladaha aanu walaalaha nahay iyo kuwa saaxiibka nala
ah ugu deeqeen Jamhuuriyadda Soomaaliya, furitaanka Safaaradihii
Soomaaliyeed ee hore u xirmay , soo saaridda Baasaboorada
cusub iyo dhismaha Hay'adaha Dawladda .
Wuxuu
kaloo ku eedeeyay in Dawladda KMG ay ku guuleysan kari weyday
sugidda amniga Caasimadda Muqdisho iyo Gobolada dalka. Waxaa
kaloo jira in Wargeyska Sanca cadadkiisii ka soo baxay shalay
(4th June) Muqdisho uu daabacay fariin uu Cabdiqaasim Salaad
ugu sheegay Ra'iisul Wasaaraha sida ay lama huraan ugu tahay
in miisaaniyad joogto ah loo qoondeeyo Ciidamada Booliiska
, si loo sugo amniga , iyo in mashruucyada dib-u-dhiska ee
Wasaaradda Hawlaha Guud tixgelin gaar ah la siiyo .
Sidoo
kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa)
ayaa isna ku eedeeyay in Raiisul Wasaaraha uusan haba yaraatee
la kulmin in muddo ah Golahiisa Wasiirada, sidaas darteedna
uu mas'uul ka yahay guul-darada soo gaartay Xukuumadda, gaar
ahaana dagaalada ka dhacay dhowaan Caasimadda iyo amni la'aanta
jirta guud ahaan .
Ugu danbeyntii
waxay kaloo Jariidada Al-Khaliij ku xustay warkeeda in shan
qof oo midi ay haween tahay ay geeriyoodeen kadib markii bas
ay saarnaayeen oo u jeeda degmo ka tirsan gobolka Hiiraan,
kana soo baxay Muqdisho dorraad ay niman dabley ah tacshiiradeeyeen.Waxay
kaloo iyana sheegtay miino ku qaraxday gaari marayay xaafadda
Hodan ee isla magaalada Muqdisho.
Translated
by Banadir.com
|