|
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali “Gaaboow” ayaa taageerey hawlaha ay xubnaha labadda gole ka wadaan magaalada Muqdisho.
Kulan ay maanta hoteelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho ay ku yeesheen lix iyo tobanka “16” degmo ee gobolka iyo guddoomiyaha ahna duqa magaalada Maxamuud Xasan Cali “Gaaboow” oo dhowaan dalka yimid, ayaa ugu horeyn waxuu warbixino ka dhageystay qaar kamid ah guddoomiyayaasha degmooyinka oo sheegay in dadka ku dhaqan xaafadaha Muqdisho ay ka siman yihiin dhibaatooyin ka heysta dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo nabad gelyada, taasna ay tahay mida la rabo inuu wax ka qabto maamulka gobolka Banaadir, isagoo la kaashanaya xukuumada federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdi Maxamuud Warsame “Dhabaneey” oo aan wax ka weeydiinay qaabka ay guddoomiyayaasha degmooyinka ay xiligani u muujin karaan wax qabadka gobolka, ayaa sheegay iney taasi tahay mid aan muran ka taagneyn.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Maxamuud Xasan Cali “Gaaboow” oo hadal gaaban ka jeediyey kulankaasi, ayaa ka waramey is bedaladii dalka ka dhacey, dhismihii dowlada KMG aheyd ee Jabuuti, iyo mudadii loo fadhiyey shirka dibu heshiisinta Nairobi ee xukuumada federaalka ay ka dhalatey
Waxaa kaloo uu sheegay sida loogu baahan yahay in gobolka Banaadir aan dagaal danbe iyo is qabqabsi danbe aanu ka dhicin.
Mudaddii saddexda “3” cisho aheyd oo uu guddoomiyaha gobolku kusugnaa magaalada Muqdisho, ayaa ah markii ugu horeysay oo uu soo hadal qaado qaabka gobolka iyo isla markaana uu la kulmo guddoomiyayaasha lix iyo tobanka “16” degmo, isagoo sheegay in kulamada soo socda ay uga wada hadli doonaan guud ahaan wax qabadka gobolka, iyo sida ay ka damacsan tahay xukuumada federaalka Soomaaliya.
hornafrik
|