| Duqa
Magaalada Muqdisho Abdullahi Muuse oo beryahaan booqasho
ku joogay wadanka Talyaaniga ayaa shirar kala duwan la
yeeshay madax ka tirsan Gobolada Talyaaniga. |
 |
Duqa
wuxuu la kulmay Duqa Magaalada Frena ee Gobolka Toscana oo
ay ka wada hadleen dhibaatooyinka Magaaladda Muqdisho ka haysta
xagga nadaafadda. Abdullahi Muuse oo kulan gaar ah la yeelan
doonaa Godoomiyaha Gobolka Lompardia Mr. Formagoni oo xiriir
mataanayn ah la lahaa gobolka Banaadir.
Wuxuuna
kala hadli doonaa dhinaca caafimaadka iyo dib u dhisidda Magaalada
Muqdisho Wuxuu kaloo duqa Magaaladda Muqdisho Abdullahi Muuse
la kulmi doonaa Madaxda Magaalooyinka Brato iyo Bistoia oo
caan ku ah Warshadaha .
Abdullahi
Muuse wuxuu madaxdaas kala hadli doonaa dib u dhisidda magaalada
Muqdisho xagga warshadaha yar yar iyo kuwa waaweynba. Ka dibna
duqa Magaaladda Muqdishu wuxuu uga sii gudbi doonaa Magaalada
Genova ee gobolka Liquria.
Jimcaha
ayuu Duqu la kulmi doonaa Duqa cusub ee Magaalada Roma Mr.
Valtroni oo uu faallo dheer ka siin doono Dhibaatooyinka magaaladda
Muqdisho ay la kulantay 10 kii sano ee wadanka dhibaatada
soo gaartay.
Wuxuuna
uga gudbi doonaa Duqa Magaalada Muqdisho Abdullahi Muuse Gobolka
Siciliya oo halkaas kula kulmi doono Madaxda Gobolkaas.
Intii
uu kulamadaas ku dhex jiro, Mr. Abdullahi Muuse wuxuu udubada
u dhigi doonaa xiriir wanaagsan oo dhex mara Magaalooyinkaas
uu booqday iyo Magaalada Muqdisho oo dhibaato xoog leh ka
soo gaartay dagaaladdii sokeeya ee wadanka ka dhacay.
|