|
Wafdi
uu hogaaminaayo Raysul Wasaaraha dowladda Somaliya Mr. Ali
Galayr, oo ay ka mid ahaayeen Wasirka Ganacsiga Maxamed Warsame,
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Maxamed Xamsa iyo Duqa Magaalada
Madaxda Muqdisho Cabdullahi Muse Xuseen ayaa bishii May 14
- 20,2001 uga qayb galay magaalada Bruxeels ee waddanka Beljum
shirkii 3aad ee la dagaalanka faqriga oo ay isugu imaanayeen
dowladaha horumay iyo kuwa 3aad.
| Duqa
Magaalada Muqdishu wuxuu gaar ahaan uga qayb galay May
15 - 16 shirka "Mayors" ka adduunka oo looga hadlaayay
isku xirka magaalamada madaxyada iyo sidii ay wax iskula
wada qabsan lahaayeen. |
 |
Duqa
Magaalada Muqdishu intuu joogay Bruxels wuxuu May 17 la kulmay
duqa magaalada Bruxells oo ay isla soo qaadeen xaalada Somaliya
iyo gaar ahaan magaalada Muqdishu iyo sidii laysaga kaashan
lahaayeen xiriirka labada magaalo madax.
Duqa Magaalada
Muqdishu wuxuu booqasho ku tegay waddanka Jermalka, May 22
wuxuu qaabilay duqa magaalda Dusserdoof iyo lataliyaha shirkadda
BUMAR oo horay u tagay Muqdishu si ay uga qayb qaataan dib
u dhiska magaalada, waxayna isla soo qaadeen kaalinta ay uga
qaadan karaan dib u dhiska magaalada kaddib dagaaladiii sokeeye
ee magaalda baa'biyay.
May 23
wuxuu duqa magaalada Muqdishu booqday magaalada Troisdorf
oo uu qaabilay duqa magaaladaas, oo iyadana ay ka wadahadleen
dibudhiska magaalada Muqdishu iyo isku xirka labada magaalo.
June 1
wuxuu duqa magaalada Muqdishu Cabdullahi Muse Xuseen wuxuu
la kulmay gudoomiyaha shirkadda Kocks Engineers oo hadda ka
hor Muqdishu ka sameysay howlo fara badan oo ay ka mid ahaayeen
ka hortagga biyo degyadda roobabka, gudoomiyaha shirkadda
iyo duqa magaalada Muqdishu waxay ka falan qoodeen sida ay
shirkaddu ugu qayb qaadato dib u dhiska magaalada.
Duqa Magaalada
intuu joogay waddanka Jarmalka gaar ahaan magaalooyinka Boon
iyo Frankfort qaabilay jaaliyadda Soomaliyeed ee deggan magaalooyinkaas
iyo agagaarkooda iyo kuwa k ayimid Sweden, Hollad, England,
Canada iyo Maraykanka.
Duqa Magaalada
wuxuu warbixin dheer ka siiyay jaaaliyadda Soomaliyeed xaalada
Somaliya gaar ahaan magaalda Muqdishu, wuxuuna ku guubaabiyay
inay dhowraan midnimadda waddanka iyo dadkaba.
Duqa
magaalada wuxuu June 5, 01 booqasho ku tegi doona magaaloyin
badan oo ka tirsan waddanka Talyaaniga, halkaso la shiri doono
dhigiisa ee magaaloyinkaas iyo jaaliyadda Somaliyeed ee magaalooyinkaas.
|