|
Cadan,17ka May 2003,
By Banadir.com
Warar lagu kalsoon yahay oo shalay naga soo gaaray magaalada Cadan ee dalka Yaman ayaa xaqiijiyay in dad badan oo gaaraya ilaa iyo 90 qof oo Soomaali ah, ay ku le’deen badda gacanka cadmeed ee dalka Yaman kadib markii doontii ay saarnaayeen uu jiiray markab xamuul ah oo kuwa saliidda qaada ah .
Doontan oo ka soo shiraacatay tuulada Mareer ee Gobolka Waqooyi Bari ee Puntland 9dii bishan May 2003, wuxuu shilkan ku haleelay badda Yaman aroornimada 11kii bishan May 2003, sidaas waxaa soo wariyay dad rakaab ah oo saarnaa dooni ku xigtay doontaa ku burburtay shilka.
Sida laga waraqabo , waxaa sanad kasta waqtiyadan oo kale oo badda gacanka cadmeed ay si aad ah u kacsan tahay, laguna wado in la xiro wixii ka danbeeya 20ka bishan May, ayaa jirta in dad badan ay si aad ah isugu soo biimeeyaan safaro halis ah oo ay soo raacayaan doomo aad u liita oo si xad dhaaf ah loo soo raro.
Waxaana xusid mudan dooni laba todobaad badda sabayneysay oo ay saarnaayeen 60 ruux oo Soomaali ah, oo ay 9 dumar yihiin , 16na caruur in laga soo badbaadiyay halaag la hubo saddex cisho ka hor, kadib markii ay soo arkeen doomo kalluumeysato ah , oo markaa kadib ay soo jiideen ilaalada ciidanka Yamanta .
Dadka Soomaalida ay ku la’day badda gacanka cadmeed tan iyo markii uu burburay maamulkii Maxamed Siyaad Barre horaantii 1991 ayaan nasiibdarro la hayn tiradooda sugan, waxaase lagu qiyaasayaa inay kor u dhaafayaan,ama gaarayaan ilaa iyo saddex kun oo qof .
|