|
Mogadishu,21st
October 2001
Report
prepared by Banadir.com
Kalfadhigii
3aad ee Baarlamaanka KMG ah ayaa saaka ka furmay Muqdisha,
iyadoo sidii la filayay ay 14 mudane soo hordhigeen golaha
mooshin kalsoonida loogala noqonayo Dawladda KMG ah ee uu
Cali Khaliif Madaxda ka yahay .
Intaan
la gudagalin doodaas, ayaa Cabdi Cusmaan Faarax oo ah madaxa
guddi hoosaadka Baaralamaanku hore ugu xilsaaray la-xisaabtanka
Dawladda halkaa ka soo jeediyay hadal uu ugu sheegayay golaha
inay kala kulmeen baaritaankooda caqabado waaweyn, gaar ahaana
Hay,adaha maamulka Dawladda sida Wasaaradda Maaliyadda iyo
Bankiga Dhexe, kuwaas oo haba yaraatee aan sinnaba guddiga
u qancin hawlahooda .
Waxaa
markaa kadib hadalkii qaatay laba mudane oo la kala yiraahdo
Faarax Xasan Maxamed iyo Cabdirizaaq Muuse Xersi oo si kulul
ugu canbaareeyay Dawladda KMG ah inay ku guuldarreysatay waxqabadkeeda,
kuna fashilanatay hawl kasto oo ay ku dhaqaaqday tan iyo intii
ay maamulka soo haysay, lana gaaray waqtigii uu Baarlamaanku
kala noqon lahaa kalsoonida. Qodobada ay soo qaateen labadaa
mudane waxaa ugu muhiimsanaa :-
1) Fashilaadda
dhanka dhaqaalaha ( Canshuur la'aanta jirta iyo sicir barar
xad-dhaaf ah oo ku yimid shillinka soomaaliga ah )
2) Fashilaad
dhanka maamulka Dawladda ( Hay,adihii dawaladda oo aan la
dhisin iyo dishibilln xuma ka jirta golaha wasiirada dhexdiisa,taas
oo keentay in la kala lunsado xoolihii yaraa ee la helay,
wasiiradiina ay shaqo ka dhigteen inay dibadaha iska warwareegaan
)
3) Fashilaad
dhanka sugidda amniga gudaha ah ( magaalada muqdisha iyo gobalada
dalka oo aan maamul iyo amniba ka jirin )
4)Fashilaad
dhanka siyaasadda dibedda ah, gaar ahaana Dawladaha Jaarka
ah oo aan la kasban , dawladdauna aaney lahayn qorshe xiriirsan
oo ku wajahan arrintaa.
Markaa
kadib waxaa golaha ka bilowday buuq xoog leh oo ay isaga hor
yimideen qolooyinka taageersan Dawladda KMG ah iyo kuwa ka
soo horjeeda, waxaana soo dhexgalay Guddoomiyaha Cabdalla
Deerow oo sheegay inay lama huraan tahay in la dhawro nidaamka,
lana ogaado in mudane kasta uu xaq u leeyahay inuu soo bandhigo
fikradiisa khaaska ah, halkaana waxaa iska diiwaan galiyay
ilaa iyo kontameeyo mudane oo doonaya inay ka hadlaan mooshinka,
iyadoo dooduna dib u furmi doonto berrito hadii eebbo idmo.
.
|