|
Neirobi..24 nov..Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka
KMG prof Cali Maxamed Geedi ayaa maanta ka furay
Hoteelka Windsor ee Magaalada Neyrobi,Qubaro
Soomaaliyeed iyo kuwa Ajnabi ay ku dersi doonaan
Diyaarinta Baahida barnaamijka Dib-loogu dhiso Dalka
Soomaaliya.
Munaasabadda Furitaanka Kulankaasi oo ay raiisul
Wasaare Gedi ku wehliyeen ku-xigeenkiisa,ahna Wasiirka
Arrimaha Gudaha Injineer Xuseen Ceydiid,Wasiirka
Qoresheynta Dr.Cabdirisaaq Xasan Cusmaan Juriile waxaa
si wadajira usoo diyaariyay hay'adaha bangiga
Addunka,UNDP iyo EC waxa uu socon doonaa muddo sadax
cisha ah,iyadoo looga doodi doono qoddobo muhiim u ah
dib u dhiska Dalka Soomaaliyeed oo ay burburiyeen
Dagaalo Sokeeye oo socday 15kii sano ee tagtay.
Munaasbadda Furitaanka Kulankasi Khudbad uu ka
jeediyay Raiisul Wasaare Geedi waxa uu si qota dheer
uga waramay muhiimadda uu kulanka u leeyahay sidii wax
looga qaban lahaa baahida la xiriirta dib u dhiska iyo
horumarinta Dhaqaalaha iyo adeegyada muhiimka u ah
Nolosha Dadka Soomaaliyeed.
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee
arrimaha Soomaaliya Mudane Francois Fall,Xiriiriyaha
hay'adaha Qaramada Midoobay Muidane Max Gaylard ,
Wakiil ka socday Guddiga Yurub iyo Bangiga Addunka oo
Munaasbadaasi waxay dhamaan Xuseen baahida loo qabo
qabashada kulankaasi iyagoo caddeeyay in ay muhiim
tahay in Beesha Caalamka iyo Qubarada Soomaaliyeed ay
iska kaashadaan Ogaanshaha Baahida ku aadan dib u
dhiska Dalka iyagoo tilmaamay inay si buuxda u taagi
doonaan sidii loo maalgalin lahaa wixii daraasad ee ka
soo baxo kulanka,islamarkaana Beesha caalamka ugu
qaban laheyd Shirweyne loogu yabaahayo Dhaqaale dib
loogu dhiso Dalka Soomaaliya.
Kulanka oo ku dhacay jawi aad u sareeyay waxa uu wax
weyn ka tari doonaa sidii Soomaalida gacan loogu siin
lahaa dib u dhiska Dalka.
W.Q. Abdirahaman Diinaari
|