|
Pan-Somali
Council for Peace and Democracy (ISRAACA)
Washington, DC
Telephone: (202) 661-4653
Email: israaca@lycos.com
Published: February 21, 2001
Ku: Madaxwaynaha
Dawlada
Ku-Meel-Gaarka ah ee Soomaliya Mudane. Cabidqasim Salaad Xassan
Ku: Ra'isalwasaaraha Dawlada Ku-Meel-Gaarka ah , Mudane. Cali
Khalif Galaydh
Og: Gudoomiyaha Golaha Shacabka Ku-Meel-Gaarka ah Mudane.
Cabdalla Deerow Isaaq
Ujeedo:
Digniin ku wajahan kahortag kalsooni-daro ku dhacda bulshada
Anaga
oo ah xubnaha ururka Pan Somali Council for Peace and Democracy
(loona yaqaano ISRAACA) waxaanu idiin soo gudbinaynaa walaaca
iyo walbahaarka aanu ka qabno ficilo siyaasadeed oo uu maamulkiinu
ku kacay, iyo ficilo-kale oo loo baahnaa oo uu ka gaabsaday.
Anaga aragti ahaan, arimahan hoos ku xusan oo dhami waxay
noola muuqdaan in aanay waafaqsanayn hanaankii la idiinku
sharfay xilka iyo Axdi-Aqameedkii Carta midkoodna. Waxaanu
nahay urur heegan u ah horumarinta nabad-waarta, midnimo-qaran,
cadaalad, iyo xaquuqda dadka Somaliyeed.
ISRAACA
wuxuu gacmo furan ku soo dhaweeyay dhalashadii Dawlada KMG
ah. Inkasta oo xubno door ah oo ka tirsan ururkayaga aanay
ku qanacsanayn dariiqii iyo nidaamkii siyaasadeed ee lagu
heshiiyay carta kaas oo sababay dhalashada Dawlada KMG ah,
hadana waxaanu idiinku yaboohnay taageero-shardi wadata. Sida
ay malyuumaad Somali ah aaminsanaayeen oo kale, anaguna waxaanu
la wadaagnay yididiilada iyo rajada ah in wadankeena hooyo
uu ku soo noqon doono meeshii uu ku lahaa bulshada caalamka.
Anagoo qabna yididiiladaas, waxaanu idiinku sheegnay warqadii-furnayd
ee aanu idiin soo dirnay in aanu maamulkiina ka caawin doono
wax kasta oo karaankayaga ah oo ku aadan dib-u-heshiisiinta
qaranka, hurumarinta, iyo nabadaynta bulshada Soomaliyeed
ee u miliilicday nabad waarta.
Hadaba,
anagoo fulinayna balantaas, ISRAACA wuxuu qabanqaabiyay ama
caawiyay Banaan-Baxyadii nabadeed ee ka kala dhacay Washington,
D.C, Ottawa, iyo London kuwaas oo ujeedadoodu ahayd sidii
looga hor tagi lahaa xadgudubka iyo faragalinta Ethiopia ku
hayso qaranka Somaliyeed. Waa markhaati ma doonto, in Banaan-baxyadaas
nabadeed oo ka shidaal qaadanayay dadaal wadanini ah oo qoto
dheer ay ahaayeen kuwo guul-wayn soo hooyay. Israaca waxaa
u suurto gashay inay abaabulaan oo iskuduba-ridaan Soomaali
badan oo xirfado iyo deegaano duwan leh, waxaanu ku baraarujinay
dadwaynaha qaranimada Somaliya iyo ka hortaga kala-qaybinta
iyo faaqidaada cadaawaha.
Waxaanu
sidoo kale ugu baaqnay shacbiga Soomaliyeed inay difaacaan
danta guud ee umada iyo mida qaranka, islamarkaasna ka feejignaadaan
khatar kasta oo soo foodsaari karta xasiloonida iyo danta
guud. Haddaba, anaga oo ka shidaal qaadanayna qodobkan oo
ka mid ah xeerarka Israaca, waxaanu doorbidnay in aanu idiinku
baaqno arimaha hoos ku qoran, oo aanu aaminsanahay inay u
baahan yihiin saxitaano deg-deg ah.
1 - Waxaa
bulshada dareenkeeda ku soo kordhaya in ay dawlada KMG ahi
aanay ku guul-daraysanin dhawrista xeerarka dastuuriga ah
oo kali ah, balse ay si joogto ah ugu tumato dadaalkii waynaa
ee umadu la timi iyo Axidi-Qarameedkii Carta labadaba.
Tusaale,
xadgudubyada waxa ka mid ah in Golaha Baarlamaanka laga dhigay
mid aad u awood liita marka laga wada xaajoonayo hawlaha qaranka,
iyo waliba iyadoo dadaalkiina ku aadan isu soo dhawaynta ama
isu-keenida soomalida dhiig-baxaysa uu yahay mid aad u hooseeya.
2 - Dawlada
KMG ahi waxay dulqaad u muujisay/saa kooxaha hubaysan ee sida
sharci-darada ah ku haysta dhulka ay xukumaan, kuwaas oo hanjabaad,
cagajuglayn, iyo amar-ku-taaglayn joogto ah ku haya bulshooyinka
beeralayda iyo kaluumaysatada ah ee ku dhaqan Shabeelaha Hoose
iyo Dooxada Juba.
Arintani
waxay dhaawac ku tahay sharafta iyo qaranimada Somaliyeed,
waxa kale oo ay carqalad lama dhaafaan ah ku tahay dib-u-heshiisiinta
beelaha. Dawlada waxaa ku waajib ah inay xil balaaran iska
saarto arintan sida ugu dhakhsaha badan .
Waa in, si deg-deg ah looga saaro ciidamada kooxaha hubaysan
ee sida xaq-darada ah ku haysta dhulka sare ku xusan, kuwaas
oo ku amar-ku-taagleeya dadka Reer-Guriga ah.
Waa in, loo celiyo dhulka iyo hantida xaqdarada lagu haysto
dadkii mulkigeeda lahaan jiray markii hore.
Waa in, lagu khasbo kooxaha hubaysan in ay si degdeg ah u
joojiyaan shaqaalaha ay khasbaan iyo cashuurta sharci darada
ah labadaba, islamarkaasna ay shirkadaha ganacsiga ee la afduubay
u celiyaan mulkiilayaashii lahaa.
Waa in, la joojiyo gubista dhirta, dhoofinta dhuxusha, iyo
waxyaalaha kale ee nabaad guurka ku keenay dhulka-caro-sanka
ah ee Somaliya.
Waa in, dawladu ku dhawaaqdo codka ugu dheer iyadoo cambaaraynaysa
xaqdarrada iyo arxan-darada ay kooxaha-hubaysan ee xinjiro-dhuuqa
ah iyo ganacsatada-dhiigmiiratada ahi kula kacaan dadka nabada
jecel ee ku dhaqan Koonfurta Somaliya.
3 - Dadka
badankiisu waxay aaminsan yihiin in wadankeena uu yaalo hub
xad-dhaaf ku ah intii loo baahnaa, hadaba waxaa yaab iyo argagax
nagu riday markii ay dawlada KMG ahi soo iibsatay hub cusub
iyadoo hantidaas looga faaiidaysan karayay dib u dhiska qaranka.
4 - Dawlada
KMG ahi waxay ku guul-daraysatay ama daayacday inay iska fogayso
ganacsatada musuqmaasuqa ah iyo dadyawga u ololeeya danaha
khaaska u ah. Arintani waxay xididada u siibaysaa kalsoonida
bulshadu u qabto dawlada.
Tusaale
waxaa ku filan, in iyadoo dhaqaalaha wadanku liito ay soo
daabacdeen lacag been abuur ah oo u dhiganta malaayiin doolar.
Gawaarida
gaashaaman iyo ciidankii faraha badnaa ee lacagta ka soo galbiyay
garoonka Balidoogle labaduba waxay tusayaan in ay dawlada
ka muuqato laba-codlayn iyo daacad-daro. Haddaba, waxaan xusuusinaynaa
dawlada inay ka baaqatay kaalinteedii ahayd inay caadiyayso/joogtayso
dhaqaalaha wadanka, samayso bangi-dhexe, iyo inay soo daabacdo
lacag sharciyaysan oo aad loogu baahi qabo.
Sixitaankani
wuxuu si toos ah uga turjumayaa daryeelka danaha bulshada,
sidaas awgeed, waxaanu dawlada KMG ah ka dalbanaynaa in ay
tixgalin balaaran siiso dhamaan mawduucyada aan ka hadalnay
oo dhan. Waxaanu ogsoonahay islamarkaasna uga garaabaynaa
dawlada, iyadoo ku shaqaynaysa marxalado aad u qalafsan iyo
cadaadisyo aad u badan hoostood.
Laakiin,
sababta kaliya ee na dhiiri galisay waxay tahay anaga oo doonayna
in dawladu noqoto mid meel-mar ah oo guulo wax ku ool ah u
soo hoysa umada Somaliyeed. Waxaanu la soconaa cawaaqib-xumada
ay leedahay dawlad la'aani iyo rajada laga qabo soomalinimo
waarta oo si toos ah ugu tiirsan dhawrista kalsooni buuxda
oo laga helo bulshada.
Wa Billahi
Towfiiq
Pan-
Somali Council for Peace & Democracy (ISRAACA)
Contact Email: israaca@lycos.com
|