|
Warar aan ka helnay Magaaladda Muqdisho ayaa noo xaqiyay in Col.Xirsi Dhoore oo ka tirsanaa Ciimadii qaranka ee Nabadsugidda ayaa maanta duhurnimaddi lagu toogtay degmadda Yaaqshiid ee Magaaladda Muqdisho.
Dilalkan loo gaysanayo saraakishii Somaalieed ee ku dhaqan Magaaladda Muqdisho ayaa beryahan noqotay cabsi ku soo korortay degaanadda Waqooyi ee Magaaladda Muqdisho ahna howl cusub ku soo food leh dowladda cusub ee uu Raiisal Wasaraha ka yahay Prof. Cali M. Geedi ee ku soo fool leh magaaladda Muqdisho bishan March dhexdeeda.
Dilkan oo ay fuliyeed dablay hubaysan ayaa dhacay duhurnimadi isagoo marxuunka gurigiisa ku soo noqday.
wariyaha banadir ee Muqdisho - March 01 2005
|