STOP
Ethiopian Aggression in Somalia
ISRAACA PEACE RALLY
Where:
Ethiopian Embassy,
Washington DC
3506 International Drive,
N.W.
Washington, DC. 20006
When:
3:00- 5:00PM ( after Jum’ah
prayer)
Friday, January 26, 2001
For
more information please contact:
Pan-Somali
Council for Peace and Democracy (ISRAACA)
1201
Pennsylvania Ave, NW #300
Washington, DC 20004
Telephone: (202) 661-4653
E-mail: israaca@lycos.com
Banaanbax-nabadeed
Caalami Ah uu Horseedayo Ururka Israaca
ISRAACA PEACE RALLY
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed
ee ku sugan Waqooyiga Amerika in ururka ISRAACA (Pan-Somali Council for Peace
and Democracy) uu qaban doono banaabax looga hortagayo xadgudubka iyo
faragelinta xaq darrada ah ee dowladda Ethiopia ku hayso ummadda iyo dalka
Soomaaliyeed. Waxaan shaki ku jirin in ay khilaafaad iyo is-dulun (dulum) sokeeye
badan weli ka jiraan Soomaaliya, hase yeeshee, waxaa maanta caddaatay in maamulka Ethiopia uu go’aansaday in uu ka fa’ideysto
kala jajabka Soomaali-weyn oo uu dab
kasta oo sii damayo ey dib u holciyaan si eysan qarannimo Soomaaliyeed marna u
suuroobin.
Ciidamada Ethiopia waxay si xad-gudub ah u soo galeen
dhulal badan ee Soomaali, waxeyna si fool xun uugu xadgudbeen xuquuqda shacabka
Soomaaliyeed ee dagan dhulalkaas, iyo sharafta qarannimada Soomaliyeed.
Israacu wuxuu ku guubaabinayaa dhamaan wax-garadka
Soomaaliyeed in ay aqoonsadaan oo ey shaacana ka qaadaan mu’aamaradda dowladda
Ethiopia ee hadafkeedu yahay in si kasta oo suuragal ah- xaq ama xaq darro- ey
isku hortaagto dib-u-dhiska Qaranka Soomaaliyeed.
Ugu-dambeyntii, Israacu wuxuu ka codsanayaa dhamaan Soomaalida
nabadda jecel ee qadirisa xornimada, qarannimada, mustaqbalka iyo maslaxada
guud ee Soomaaliyeed (yar iyo weenkood) in ey iskaashadaan, oo si wadajir ah uuga
hortagaan faragelinta xadgudubka ah ey Ethiopia ku heyso ummadda Soomaaliyeed
ee weli u taaktaaksaneyso
Qarannimo iyo dib-isu-dhis.
BANAANBAXA
3506
International Drive, N.W.
Washington, DC. 20006
Goorma: 3:00-5:00 Galabnimo, maalinta Jimcaha
1/26/00 ( Salaadda Jimcaha kaddib)
Address: 3506 International Drive, Washington, DC
20006
Wixii Tafaasiil ah, fadlan la xiriir ururka
ISRAACA
(Pan-Somali
Council for Peace and Democracy)
1201
Pennsylvania Ave, NW #300
Washington, DC 20004
Telefoon: (202) 661-4653
Email: israaca@lycos.com