|
Abu Dhabi (Wam) 31st October 2002
By Banadir.com
Iyadoo la fulinayo awaamirtii ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Zaayid Bin Suldaan Al-Nahyaan bartamihii bishan Oktoobar 2002 ee la xiriirtay in deeq bani’aadanimo degdeg loo gaarsiiyo shacabka tabaaleysan ee Soomaalida , ayaa la filayo inay berrito oo Jimco ah,
Bisha Novemberna ay tahay 1da tagto dayaaradii ugu horreysay ee sida qalab iyo raashin kala duwan .
Sida ay soo warisay Wakaaladda u fidisa wararka Imaaraadka ee (WAM) , dayaarado waaweyn oo uu iska leeyahay ciidanka qalabka sida ee Imaaraadka ayaa dhawr duulimaad ku geyn doono deeqdan maalin kasta dalka Soomaalida . Waxaana la filayaa in shanta duulimaad ee ugu horeeya , oo uu ku jiro ka berrita baxaya , la geyn doonaa garoonka Balidoogle oo u jira 90 km magaalada Muqdisho . Halka bisha 5ta November 2002 la geyn doono deeqda magaalada Kismaayo . Waxaa kaloo iyana jira laba duulimaad oo loogu talagalay shacabka waqooyiga , oo ka dagi doono magaalada Berbera bisha November 6deeda . Gobolka Bari wax ku talagal ah oo loo sameeyay sanadkan ilaa iyo iminka ma jiro.
Raashinka loogu deeqay dalka Soomaalida waxaa ka mid ah timirta, caanaha caruurta, quutal-daruuriga sida bariiska , burka ,saliidda iyo cunno u xiran kiis-kiis oo loogu tala galay qoysaska , halka uu qalabka yahay mid loogu xiriira in lagu nadiifiyo biyaha la cabbo , si looga hor tago cudurada shubanka ee beryahan danbe ku batay dhulka soomaalida ee ka yimaada cabitaanka biyaha aan nadiifka ahayn .
Hawlaha raridda iyo qeybinta raashinkaa waxaa loo xilsaaray saraakiil ka socoto Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka oo hubin doona meelaha laga geyn doono raashinkan magaalada Muqdisha iyo gobolada dalka oo ay degan yihiin dadka liita ee u baahan mucaawinadan.
Waxay kaloo saraakiishan ka fulin doonaan dalka mashaariic wax ka tara oo kaaba adeegyada guud ee dadweynaha u baahan yahay, sida caafimaadka, waxbarashada iyo isgaarsiinta iyo waliba taaba gelinta mashruuca anfuridda dadka sooman bisha barakeysan ee Ramadaanka sanadkan.
|