|
Dubai,6th August 2001
Wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka
Arrimaha Gudaha ee Dawladda KMG ah Mudane Daahir Maxamed Sheikh
(Dayax) ayaa xalay ka soo dagay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka
Carabta, iyagoo ku tagi doona berrito dalka Masar booqasho
rasmi ah oo dhawr maalmood ah .
Waxaa Wefdiga si diirran xalay ugu soo dhoweeyay
garoonka dayaaradaha ee Dubai Qunsulka Safaaradda Soomaalida
ee Abu Dhabi Mudane Xuseen Max'ud Maxamed iyo madax kaloo
ka socotay Dawladda Imaaraadka.
Wefdigaa uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha
Gudaha ee Dawladda KMG ah waxaa ka mid ah General Cali Ismaaciil,
La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidamada iyo Col. Cabdi
Xasan Cawaale, Taliyaha Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir
iyo saraakiil kale , waxayna booqashadoodu la xiriirtaa guud
ahaan xoojinta iskaashiga dhinacyada badan ee labada Wasaaradood
ee labada dal, gaar ahaana amuuraha khuseeya adkeynta nabadsugidda
iyo amniga dalka.
|